Somaliland: Ciidamada Oo Go’doomiyay Dableydii Dishay Marxuum Casayr Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Hawlgalka

Date:

Ciidamada Somaliland ee qaranka iyo Booliska ayaa go’doomiyay kooxdii hubaysnayd ee Salaasadii dilay taliyihii ciidanka Booliska gobalka Saaxil Marxuum Casayr, ka dib markii ay buuralayda ay ku dhuumaalaysanayaan ka fuliyeen hawlgal.

Ciiidamada, ayaa hawlgalka bilaabay habeen hore fiidkii, waxaanay dawladu xidhay dhamaan shirkadaha Telefoonada taas oo adkaysay sida lagu heli karo warar xaqiiq ah, mana jiro wax war ah oo ay dawladu ka soo saartay hawlgalkaas.

Hase yeeshee ciidamada ayaa la sheegay inay xidheen dhammaan waddooyinka ku teedsan buuraha la aaminsanyahay inay kooxdani ku dhuumanayso, waxaana la sheegayaa inay gelinkii dambe ee shalay ciidamadu gaadheen goob ay dableydu shalay hadhimo ku karsadeen. Intaas wixii ka dambeeyayna waxa sida ay wararku sheegeen gabalku dhacay iyadoo aanay ciidamadu gacanta ku dhigin kooxdaas hubaysan oo la sheegay inay ku jiraan dhuumaalaysi ay doonayaan inay kaga fakadaan ciidamada ammaanka.

Geesta kale, waxa xalay cawayskii dambe si rasmi ah loo furay khadadka Telefoonada, waxaana masuul dawladda ka tirsan oo uu Geeska Afrika la hadlay beeniyay wararka sheegaya in la xidhay badhasaab-xigeenka gobalka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillaahi oo la socday taliyaha wakhtiga la dilay.

Warar kale oo aanu xalay goor dambe helnay ayaa sheegaya in la go’aansaday in la aaso maydka taliye Casayr.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...