Somaliland: Kijaandhe Oo Xisbiyada Ugu Baaqay Inay Ka Dheeraadaan Tartan Qabyaaladeed Oo Shacabka Kala Fogeeya

Date:

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Doorashooyinka dhawrka jeer dib u dhacay, iyo saamaynta ay ku yeesheen xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay in dib u dhaca Doorashooyinka ay keeneen inay Beesha Caalamku ka sii fogaadan Somaliland, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey Doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay dhacdo daba-yaaqada sannadkan.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay aad uga feejignadaan Qabyaalada, waxaanu ku booriyey inay la yimadaan tartan iyo siyaasad ka madhan Qabyaalad kala fogeysa dadka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Beesha Caalamka barigii hore wey inagu kacsanaayeen, oo xitaa way diideen inay dalka yimadaan, iyagoo diidanaa Doorashooyinka dib inooga dhacay, laakiin waa horumar weyn in Safiirka Mareykanku uu dalkeena yimaado, Doorashadiina xilliga ay dhacayso waa la muddeeyey, markaas Doorasho dib inooga dhacaysaa ma jirto ee xilligaas loo muddeeyey ayay inoogu dhici doontaa, mar haddii ay Doorashadu inoo dhacdana, xidhiidhkeena Caalamku  sida uu imika yahay wuu ka sii fiicnaanayaa, oo fikirka ay ka aamisan yihiin Doorashada oo inoo qabsoonta meesha wuu ka baxayaa”.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Doorasho ayaa inagu soo fool leh, tartan baa la galay, Xisbiyaduna way tartamayaan, oo tartan iyo loolan bay galayaan, balse Xisbiyadu ha ka dheeraadan tartan qabyaalad ku salaysan, oo umadda kala fogeysa, oo tartan ka madhan qabyaalad oo salka ku haya siyaasada barnaamijkooda umadda ha u soo bandhigaan, aadna ha uga dheeraadan wax walba oo umadda kala fogeynaya”.

Xildhibaan kijnaadhe ayaa dhinaca kale ka hadlay kaadh qaadashada cod bixinta Doorashada oo la filayo haddii ALLE idmo inay dhawaan ka bilaamato Gobolada Togdheer iyo Maroodijeex, waxaanu Dadka ku dhaqan labadan Gobol ee iyagu is diiwaangeliyey ku booriyey inay qaatan kaadhka codeynta ee ay xaqa u leeyihiin inay ku codeeyaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...