Syria: Wafuuda Dowlada & Mucaaridka oo gaaray Geneva iyo dood weli taagan!

Date:

Waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland gaaray wafdi kasocda Isbaheysiga Kooxaha Mucaaridka Siiriya, walow furitaankii shirka uu Jimcihii shalay dib u dhacay.

Shalay ayey magaalada Geneva gaareen dhamaan wafdigii ka socday dhinaca Dowlada Bashaar Al Assad oo uu hogaaminayo Safiirka Siiriya u fadhiya Qaramada Midoobay Bashar Jaafari oo shalay kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Siiriya Staffan de Mistura.

Ambassador Staffan de Mistura ayaa sheegay inuu marka ay yimaadaan wafuuda mucaaridka ay rajeenayaan in wadahadalka ugu horeeya la furo maalinimada Axada beri ah.

Balse Kooxaha Mucaaridka ayaa sheegay in ay doonayaan intaan wadahadalka la furin marka hore ay dowlada Siiriya iyo Beesha Caalamka kasoo baxaan shuruudo la xariira in wax laga qabto xaalada bini’aadamnimo ee deegaanada go’adoonka ku jira ee wadanka Siiriya.

Waxaa sidoo kale shirka ka maqan kooxaha Kurdida ah ee gacanta ku haya qeybo kamid ah waqooyiga Siiriya iyo waliba kooxaha Islaamiga ah oo ay ku jirto Daacish oo dhul baaxadleh oo kamid ah Siiriya weli ka talisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...