Somaliland: Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Qorshe Soomaaliya ku Mijo-xaabinayso Gooni isku taagga Somaliland & Jawaabta Xukuumadda

Date:

“Dal kala noqday wada jirkoodii inay Maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo, waana beenta ay dalkaasi ku maamulayaan, markaa waxaanu u aragnaa hadal nin waalani iska yidhi…” Xukuumadda Somaliland

Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Shirkii Madasha Wada tashiga ee doraad lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho lagu heshiiyey in Somaliland ka mid tahay deegaannada laga qabanayo doorashada Soomaaliya dabayaaqada Sannadkan 2016-ka.
War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Madasha Wada tashiga ee ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay, “Codeynta iyo tirinta codadka waxay ka dhacayaan dhammaan Xarumaha Maamul-goboleedyada dalka oo ay ku jirto Somaliland” ayaa lagu yidhi Warka soo baxay Shirkaasi.
War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkaasi, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in lagu heshiiyey in la sameeyo Aqalka sare ee Baarlamaanka ama Gole Guurti, kaas oo 48 Xubnood oo ka mid ah loo qaybinayo Maamullada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, “48-xubnood oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka si Simman ayaa loogu Qaybinayaa Dhammaan Maamullada Waddanka ka jira, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, Hiiraan/Shabeelllada Dhexe, Koonfur-gableed iyo Somaliland.”ayaa lagu sheegay Qoraalkaasi, waxaanu intaa ku daray, “Lixda xubnood ee soo hadhay waxaa si simman loogu qaybinayaa Puntland iyo Somaliland. Taasoo sabab looga dhigay inta ay dhisanaayeen iyo deegaannadooda oo fara badan.”
Laakiin, Dawladda Somaliland oo ka hadashay Go’aannada Dawladda Soomaaliya ka soo saartay Shirka ugu soo gabogaboobay Muqdisho, ayaa genafka ku dhufatay isla-markaana sheegtay in Go’aannadaasi yihin wax aan khuseynin Dawladd iyo Shacabka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Shalay la hadlay Idaacadda VOA, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Wax la yaab leh weeyi, waad la socotaaa 25 sanno ka hor Soomaaliya kala noqonay midnimadii hore ee aanu isku darsanay. 1960-kii dal Ingriisku gumaysto ayaanu ahayn, iyagana Talyaaniga ayaa gumaysan jiray, markaa Annagu waanu kala noqonay wada jirkayagii hore oo aan awalba sharci ahayn.”
Wasiirka oo sii hadlaya, ayaa Go’aannada Soomaaliya ku soo dartay Somaliland ku sifeeyay been, “Runtii waana waxyaabaha aadka layaabka u ah ee beenta iyo nidaam la’aanta ku salaysan. Dal kala noqday wada jirkoodii inay Maanta sheegtaan waa wax lagu qoslo, waana beenta ay dalkaasi nabad galyadiisu dagi la’dahay ay ku maamulayaan, markaa waxaanu u aragnaa hadal nin waalani iska yidhi.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalialnd Md Cali Warancadde waxa uu sheegay inaanay matalin Shacabka Somaliland waxa uu ugu yeedhay Calooshood u shaqaystayaal shaqo tagay, “Waxaanu hadda soo rognay in dalkii la odhan jiray Somaliland iyo Somalia sharciyo iyo Baasaabooro, taasi mecneheedu yahay inay laba dal oo kala gaar ah yihiin, markaa haddii dad calooshood u shaqaystayaal jiraan danohooda ha u shaqaysaa, cid Somaliland wakiil uga ah ma jirto”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin nasteex ah u diray Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya, “Waxaan u soo jeedin lahaa inay gurigooda nabadeeyaan, dhibaatada dalkooda ka jirtana waxa ka mid ah beenta iyo dacaayadaha ay dadka ku duudsinayaan, haddii ay doonayaan inay cid siiyaan ha siiyaan dadkii Xamar joogay ee xaqa u lahaa.”
Inkasta oo Dawladda Somaliland ka hor-timid Qorshaha Dawladda Soomaaliya ku doonayso in Shacabka Somaliland ka qayb-galaan Doorashada la qorsheeyay inay Soomaaliya ka dhaco dabayaaqada Sannadkan 2016-ka, haddana waxa Qorshahaasi taageeray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweynayo Go’aannadaasi.
Xoghayaha ayaa ugu hambalyeeyay madaxda soomaalida go’aanka ay gaadheen, waxaana uu ku tilmaamay go’aan dhabada u xaadhaya isbeddel wanaagsan oo xiligii loogu talagalay yimaadda, marka ay dhamaato mudada u hadhay dawladda talada haysa .
Ban Ki Moon ayaa si gaar ah u bogaadiyay qaybta muhiimka ah ee loo qoondeeyay haweenka Soomaaliyeed oo loogu talagalay inay ay noqdaan 30% xubnaha golaha sharci dajinta.
Xoghayaha ayaa xusay in uu aaminsanyahay in go’aamadan ay ku yimaadeen wada tashi sal balaadhan oo lala yeeshay maamul goboleedyada Soomaaliyeed, xubnaha baarlamaanka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, waxaana uu ku tilmaamay talaabadan inay tahay mid astaan u ah in Somalia ay cagta saartay dhabada dib u dhiska iyo nabadaynta, waxaana uu ku booriyay dhinacyada oo dhan inay taageeraan si waqtigii loogu talagalay loo dhaqan galiyo isbedelka 2016ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...