Somalia: Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo Maanta Meel-mariyay Sharciga Saxaafadda Soomaaliya

Date:

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta meel-mariyay Sharciga Saxaafadda Dalka, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, iyadoo sharcigan muddo ay xildhibaannadu ka doodayeen.

Kulankii baarlamaaka ee maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen 142 xildhibaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo meel-marin lahaa sharciga lagu dhaqi doono saxaafadda Soomaaliya.

Dood kaddib ayay xildhibaannada baarlmaaanku waxay codka taag ahaa u qaadeen meel-mariyay sharciga saxaafadda dalka, iyadoo ay ogolaadeen 139-xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen saddex xildhibaan, iyadoo aysan jirin xildhibaanno, sida uu codeynta kaddib ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar.

“Codka loo qaaday sharciga Saxaafadda dalka natiijadiisu waxay noqotay, 139-xildhibaan oo ogolaaday iyo saddex xildhibaan oo ka aamusay, mana jirin xidlhibaanno diiday, sidaa daraadeed sharcigan waa mid ansax ah,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo natiijada shaacinayay.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka goob-joog ka ahaa ayaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia uga mahad-celiyay sida ay u ansixiyeen sharciga saxaafadda dalka.

Dhanka kale, Waxaa sharcigaan Ansixintiisa soo dhaweeyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, iyagoo ku tilmaamay Tallaabo horay loo qaaday, taasoo ah inay saxaafadda Soomaaliya yeelato sharci lagu hago, ayna xuquuqdooda ku heli karaan.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo la hadlay warbaahinta markii sharciga la ansixiyay kaddib ayaa xusay in sharcigan uu yahay mid suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqaadkooda, isla markaana qabanaya khaladaadkooda.

“Haddii aan la siyaasadeyn qodobbada sharciga saxaafadda ku jira qaarkood, waxay noqon karaan kuwo ay faa’iido ugu jirto guud ahaan saxaafadda Somalia ka howlgasha, wuxuuna bog cusub u furayaa saxaafada Somalia,” ayuu yiri Xoghayaha guud ee NUSOJ, Ibraahim.

Ugu dabmeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somalia ku boorriyay inay dhaqan-geliyaan sharciga saxaafadda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii markii labaad oo baarlamaan Soomaaliyeed uu Ansixiyo sharci lagu hago saxaafadda Somalia, inkastoo sharcigan kii ka horreeyay oo ay ansixiyeen xildhibaannadii baarlamaankii KMG ahaa intii ay jirtay dowladdii hore ee ku shaqeyaysay magaalada Baydhabo; kaasoo aan noqon mid dhaqan-gala. iyadoo sharcigaanna uu dhaqan-gal noqon doono markii uu madaxweynaha Soomaaliya saxiixo.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...