Somaliland: Golaha Wakiillada oo ku Hawlan Ansixinta Xeerar Dunidu Ku Qiimayn Doonto Somaliland

Date:

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dabogalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama), ayaa sheegay in golahoodu ansixin doonaan shan xeer oo faa’iido badan ugu fadhiya dalka, adduunkuna ku qiimayn doono Somaliland mustaqbalka.

Md. Maxamed Cali Xirsi oo hadal ka jeediyey xidhitaanka kulan wada-tashi oo lagaga arrinsanayey qabyo-qoraalka xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ka socday hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey, ayaa sheegay  in Golaha Wakiilladu ansixin doonaan shan xeer oo kala ah xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka (Audit act), xeerka qandaraasyada iyo wax iibsiga dawladda (Procurement act), xeerka kastamyada (Customs act), xeerka dakhli-ururinta (Revenue act), xeerka maamulka maaliyadda iyo isla xisaabtanka (PFMAccountabilty act), kuwaasoo uu tilmaamay in  caalamku ku qiimayn doono Somaliland marka la dhaqangeliyo.

“Waxa aannu doonaynaa in aannu ansixinno shan xeer oo adduunyadu ku qiimayn doonto Somaliland haddii lllaahay yidhaah, iyadoo xilligan la isku qiimeeyo shuruucda la xidhiidha waadaxnaanta (transparent) iyo isla xisaabtanka, waxaanna imminka la sheegaa kolba dalka kaalinta ugu saraysa ka gala dhinaca hufnaanta iyo maamul-wanaaga dhinaca maamulka maaliyadda, markaa haddii aynu shantaas xeer ansixino waxa aan qabaa in wax badan ugu hirgeli doonaan, laguna qiimayn doono,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

“Waxa aynu ka hadlaynaa Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ah hay’adda ugu muhiimsan ee door ka qaadata hufnaanta (transparent), iyadoo ay muhiim tahay in la wada ogaado tallaabooyinka ay hay’adaasi ku shaqaynayso ama marayso, waxa aannu beddelaynaa xeerka hadda Hantidhawrka Guud ku shaqeeyo oo la sameeyey sannadkii 1999-kii, kaasoo ka kooban shan xaashiyadood oo qudha.”

Waxa kaloo xildhibaanku sheegay in kulanka lagaga hadlayey xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku ku dhammaaday si guul ah, isagoo xusay inay haddana bilaabi doonaan aqoon isweydaarsi lagu fallanqaynayo qabyo-qoraalka qandaraasyada qaranka oo socon doona muddo saddex maalmood ah, kaasoo bilaabi doona Salaasada maanta, halka xeerarka kalena loo qaban doono kulanno lagu fallanqeeyo ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wakiillada.

“Waxa laga yaabaa in xeerarkaasi qayb ka qaataan ictiraafka Somaliland oo hadda waxa aynu ku ololaynaa in aqoonsiga lagu raadinayo nabadgelyada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay dalka, laakiin waxa aynu hadda kadib ku darsan doonaa in aynu ku doodno hufnaanta (transparent) iyo shantaas sharci ee adduunka oo dhan ku dhaqmo ayaannu haysanayaa oo samaysanay, kuna shaqaynaynaa, iyadoo sidoo kale aynu ku doodi karno in miisaaniyadda yar ee dalku haysto aynu ku faanno in hooyo ama aabo kasta oo reer Somaliland ogaado halka ay ku baxdo iyo sida loo maamulayo oo aan wax mugdi ah ku jirin,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...