Somaliland: Dawladda Turkiga oo ka hadashay Qorshaha La Sheegay Inay Wada Hadalka Madaxdhaqameed Ugu Bedelayso

Date:

Dawlada Turkiga ayaa ka hadashay wararka sheegay in ay waddo qorshe ku saabsan wada hadalkii Somaliya iyo Somaliland oo madaxdhaqameed lagu bedelayo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hargaysa ee qunsulka guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel ayaa sheegay inaanay warkaa waxba ka jirin

“Aniga oo ku hadlaya afka dawladda Turkiga, Qunsuliyadda Turkigu waxa ay ogaysiinaysaa bulshada reer Somaliland in warkaasi kusoo baxay saxaafada maxaliga ahi dulucdiisuna ahayd “Af hayeenka Salaadiinta Somaliland oo xaqiijiyey in ay ka qayb galayaan wada-hadaladda Turkigu dhexdhexaadinayo” in warkaasi aanu ahayn mid sugan isla markaana yahay mid marin habaabin ah.Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxa lagu sheegay warkan ka soo baxay xafiiska qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel in haddii aanay dawlada Somaliland ka codsan arimaha wada hadalada in la bedelo aanu Turkigu wadan qorshe kale.

“Wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland umana qorsheysna in ay talaabadaasi qaado mustaqbalka haddii aanay dawladda Somaliland ka codsan”ayaa lagu yidhi warka qunsulka Turkiga ee Hargaysa Mr Muzaffer Yüksel

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanay bulshada Somaliland dheg u dhigin wararka aan sida rasmiga ah uga soo bixin dawlad Turkiga.

“Waxaanu jeclaan lahayn in aan bulshada reer Somaliland dhag u dhigin war aan si rasmi ah uga soo bixin Dawladda Turkiga.

Mar labaad, waxaanu salaan diiran u diraynaa, isla markaana jecelnahay in ay guuleystaan bulshada reer Somaliland” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadkeedaasi.

Warbaahinta gudaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay baahinaysay warar sheegay inuu Turkigu wato qorshe lagu bedelayo wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya oo dhinaca madaxdhaqameedka loo rarayo.12299188_957268424342032_3401482680883980899_n 12243092_957269421008599_6782050429685713081_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...