Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Soo Xidhay Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Date:

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgalay soona xidhay shirkii xisbiga kulmiye ee shalay bilowday laguna doortay Musharaxa Madaxweynaha Mustqabalka Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici).

Xidhitaanka ka hor ayuu gudoomiye, Musharax MD Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynaha Qaranka gudoonsiiyey Shahaado sharaf ka turjumaysay hanaankii Dimuquraadiyada ahay ee madaxweynuhu uga tanaasulay sharaxnimada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isaga oo madaxweynuhu noqday Guud ahaan Afrika Madaxweynihii labaad ee isaga oo xil haya shaaciya in aanu mar danbe u tartamayn hogaanka dalkiisa.

DSC_0073

Khudbadii madaxweynaha oo u dhignayd sidan

Shirka 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Hoggaanka, Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, dhammaan waxaan ku hambalyeynayaa guusha uu ku dhammaaday shirkii Shanaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga ee labada maalmood socday.

Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socta, waxaan u rajaynayaa guul.
Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.

Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan.

Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen.

Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan.

Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...