Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Xadhiga ka Jaray Xarun Casri Ah Oo Kuwait u Dhistay Hablaha Agoonta Ah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa saaka xadhiga ka jaray xarunta Agoomaha ee ay maal-gelisay Dawlada Kuwait, dhismahan ayaa gaar u ah hablaha agoomaha ah iyadoo ay hore uga hirgeliyeen Caasimada Hargeysa dhisme u gaara wiilasha.

kuwait41

Xadhig ka jaristaas ka dib waxaa madaxweynaha halkaasi warbixino ku saabsan Dugsiyada Kuwait Charity Academy lagana maal-geliyey Xafiiska sekeda ee dawladda Kuwait .
Sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu qol-qol u soo booqday xaruntaas agoomaha ee hablaha lagu daryeeli doono, ka dib markii uu soo dhameeyey Kormeerkaasi wuxuu ka qeyb galay Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Kuwait Charity Academy.

Munaasibadan waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay dawladda Kuwait islamarkaana gadhwadeen ka ahaa Mashruucan kheyriga ah ee lagu dhisay xarunaha agoomaha.
Waxaa halkaas hadal ka jeediyey Ibraahim Nuur Jaamac, oo ku hadlayey maamulka dugsigaasi isaga oo madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyey inuu kala soo qeyb galo furitaanka Xaruntii labaad ee agoomaha oo dawladda Kuwait ugu deeqday dawladda Somaliland.

Sacad Al-cutaybi oo ku hadlaayey afka dawladda Kuwait oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ugu u mahad celiyey Madaxweynaha Somaliland ka soo qeyb galkiisa munaasibadan waxaana uu sheegay in mashruucan kheyrigaa loogu tallo-galay in lagu daryeelo ubadka agoonta ah kuwooda danyarta ah islamarkaana ay fulisay dawladda kuwait iyadoo kaashanaysa Xafiiska sekeda.

kuwait7

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafka Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa dawladda Kuwait ku amaanay doorka horumarineed ee ay ka qaadatay dhismeyaasha dugsiyada lagu xanaanaynayo ubadka agoonta ah, sidoo kale wuxuu xusay in sanduuqa sekeda ee dawladda kuwait Somaliland ka fuliyey mashaariic kheyriya islamarkaana ay dawlada Somaliland uga mahad celinayso waxtarkaas balaadhan Kuwait ka samaysay Somaliland.

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucan dhismayaasha dugsiyada Kuwait Charity Academy uu shacabka Somaliland ugu fadhiyo qiimo weyn, sidoo kalena ay u mahad celinayaan Dawlada Kuwait, waxaana halkaas uu Madaxweynaha lagu GudDoonsiiyey abaal-marino ay masuuliyiinta Kuwait isaga ugu tallo galeen, halka uu isna gudoonsiiyey shahaado sharafyo uu ku maamuusay masuuliyiintii ka socotay dawlada Kuwait ee goobta ku sugnaa.

Dhanka kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka International ee Magaalada Hargeysa. Sidoo kale wuxuu indha-indhayn ku sameeyey dhammaan qeybaha kala duwan ee uu Cisbitaalku ka kooban yahay. Cisbitaalkan ayaa ah mid lagu daaweeyo Caruurta wax ka barata dugsiga Kuwait Charity Academy.

kuwait6DSC_0222

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...