Syria: ISIS oo qabsatay xerada Qaxootiga Falastiiniyiinta

Date:

Kooxda ISIS ayaa gudaha u gashay xerada Falastiiniyiinta oo ku taal koonfurta magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Siiriya.

ISIS ayaa markii ugu horeysay soo gaartay xerada Yarmuuk oo ay ku jiraan qaxootiga Falastiiniyiinta oo gaaraya 18.000 qof.

Wararka kasoo baxaya deegaankaasi ayaa sheegaya in halkaasi uu hada dagaal xoogan ku dhexmarayo ISIS iyo maleeshiyaad reer Falastiin ah oo gacanta ku hayey xeradaasi.

Maleeshiyaadka ISIS ayaa kasoo duulay degmada Xajar Al Aswad oo u dhaw xerada Yarmuuk.

Xeradan ayaa horey ugu jirtay go’adoon ay saaraan ciidamada dowlada Bashaar Al Assad, waxayna halkaasi macluul ku heysay dadka qaxootiga ah oo sanado badan halkaasi ku noolaa.

Waa markii ugu horeysay oo ay kooxda ISIS gudaha usoo gasho qeybo degmooyinka ka tirsan Dimishiq.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...