Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Dhaarisay Mudane Cusub Oo Ka Mid Noqonaya Golaha Wakiilada

axkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarisay Mudane cusub oo ku biiraya golaha Wakiilada Somaliland.

Mudanahan Cusub oo la yidhaa Maxamuud Ismaaciil Xasan ayaa buuxinaya  jagadii uu banneeyey xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan), oo dhawaan Madaxweyne Silaanyo u magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Aadan X Cali Axmed ayaa mudanaha cusub ku dhaariyey xarunta maxkamadda sare ee Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Comments

comments