Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.
Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).
Kulnka ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo Ergeyga Qaramada Midawga Yurub, iyagoo ka warbixiyey ujeedada kulanka.