Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo Xarunta Xisbiga Kulmiye iska Diwaangeliyey, Qaateyna Card-ka Xubinimada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Date:

Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa Maanta Xarunta Xisbiga Kulmiye u tegay Diwaangelinta Xubinimada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lagu wado ka hor 10-11-2015 in la soo dhamaystiro Diwaangelinta Xubnaha.

12189847_1052961738057702_8929600789680555334_n

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye

“madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa, adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer aad wada fadhideena xusuus gaarabay u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”

12195949_1052961758057700_6869521383016359267_n

Gudoomiye Muuse biixi Cabdi

“ Maanta waxaa farxadweyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu faq iyo fagaaraba aanu aniga wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.

Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay inaanu kala fadhiisano.”

12187865_1052961884724354_8832932425548219862_n

Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo:

“ oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bilaabay Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay ee shacabka iyo ummaddu doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

Intaasi ka dib Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu iska diwana geliyey xarunta Xsibiga isaga oo laga qaaday Sawir Kura oo loogu samayn doono Kaadhka Aqoonsiga Xubinimo o ah kadhka koowaad ee liiska Xubninimadu dhigaayo, iyadoo halkaasi madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey, kuna sugnaayeen barxada hore ee xisbiga dadweyne aad u tiro badan oo luxaayey calanka Xisbiga Kulmiye kuna dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin waa geesigii oon godob lahayn iyo Ereyo kale.

ALLAA MAHAD LEH

12049333_1052961764724366_6259650084699979453_n  12193727_1052961978057678_6739193158532702373_n12063881_1052961731391036_897512877029930824_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...