Somaliland: “Wasiirrada Is Casilay Dawladdu isku Adkayn Maysee Halkoodii dad kale Uun Baa Galaya”

President of Somaliland Ahmed Silanyo
H.E. Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) - President of Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta ka hadlay Wasiirro, Wasiir Ku-Xigeenno iyo Afhayeenka Madaxtooyadda oo maanta iska casilay xilkii xukuumadda, ka dib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu si gooni ah u taageeray Murrashaxnimadda Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu beeniyay inuu garab u noqday Muuse Biix Cabdi. “Iscasilaadan waxaan u arkaa dadku haddii ay la socon kari waayaan maamulka dawladda ee jira iyo madaxda dalka inay is casilaan xaq bay u leeyihiin. Dawladuna isku adkayn maysee halkoodii dad kale uun baa galaya inshaalaahu tacaalaa dawladdu waa madaxtooyo oo madaxweynaha ayaa xukuma wixii markaa la socon kari waaya ee la jaan-qaadi kari waaya maamulka markaa jira ha is casilaan halkoodiina dad kale uun baa geli doona,”Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
“Eeda la ii soo jeediyay waxba kama jiraan, anigu cid aan garab siiyay ma jirto, Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa ku shuqul leh cidda ay soo saarayso. Xisbiguna nidaam iyo sharciyad ayuu leeyahay, halka aqlabiyaddu ay marto uun baan aniguna marayaa,”Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo galabta u warramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da, sida ay qortay shabakadda Gudgudenews.com.

Madaxweynaha oo la weydiiyay waxa uu ka yeelayo xubnaha Golaha Wasiirrada ee is casilay waxa uu yidhi “Xubnaha Golaha Wasiirrada ee is casilay iyagaa ikhtiyaar u leh haddii ay is casileen, ummadda iyo dalku wuu faro badan yahay, ummad badan oo shaqaynaya oo diyaar u ah inay qaranka u shaqeeyaan. Markaa ciddii ila shaqayn doontaana way ila shaqayn doontaa, ciddii iska tagi doontaana way iska tagi doontaa.”

Md. Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay inuu ka hadhay tartankii doorashadda ee uu marka labaad iskugu soo sharixi lahaa xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi “Arrintaas wakhtigeeda ha la gaadho markaas ayaan ka hadli doonaa inshaalaahu Tacaalaa.”

Comments

comments