Somaliland: Musharax Cabdicasiis Samaale oo Qaatay Kaadhka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Kana Hadlay Warar laga baahiyay.

“Aniga cid Xisbiga iga horjoogsatay may jirin, Cid ii diidayna may jirin…

“Hawsha Xisbigana hogaan ayaanu uga dambaynaa, guddida fulinta dadka isku imanayaan waa golihii dhexe oo liiskoodii la hayo aniguna aan ka mid ahay guddida fulinta iyo golaha dhexeba”Cabdicasiis Samaale

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid musharaxiinta ku loolamaya Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay warar warbaahinta qaar ka qortay oo sheegaya in laga saaray Guddida Fulinta ee  KULMIYE iyo Xubnaha golaha dhexe ee Xisbigaasi.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta kaadhka lagaga qayb galayo shirwaynaha Xisbiga Kulmiye ka qaatay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa sheegay inaanay jirin meel loogu diiday xisbiga islamarkaana lagaga saaray xubinamada Xisbiga isagoo cadeeyay inuu ka tirsanyahay guddida fulinta iyo golaha dhexe ee Kulmiye.

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa kale oo uu ka hadlay qaabka loogu soo dhaweeyay xarunta dhexe xisbiga iyo sida ay uga socoto qabanqaabada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye isagoo sheegay in hawsha xisbiga iyo qabanqaabada shirwaynaha ay uga dambayn doonaan hogaanka xisbiga oo uu ku sheegay mid midaysan oo hawsha si fiican u wada.

Samaale oo arimaha ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaa farxad wayn ii ah, inaan maanta xarunta Xisbiga imid inaan kaadhka ka qaato, waxaan uga mahadnaqayaa guddoomiyaha, xoghayaha iyo hogaanka xisbiga oo aanu halkan ku kulanay, warbixin wanaagsan iga siiyay siday howshu u socoto, waxaan ku faraxsanahy inay hawshu dib u bilaabanto tii oo la midaysan yahay, horena waan u sheegay kalsoonida anigu aan ku qabo xisbigayga hogaanka,  Guddida Fulinta iyo dhamaan xisbiga kulmiye isku qabaan.”

Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu beeniyay Warar warbaahinta qaar qortay oo ku saabsan in laga saaray guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye

  “Xalay ayay website-yada iyo warbaahinta qaar qoraysa Samaale oo laga saaray golaha dhexe ee Kulmiye, waxan saxaafada leeyahay hala hubsado waxa la qorayo, anigu murashax madaxwayne ayaan ka ahay Xisbiga Kulmiye,ragaanu saxiibo nahay ayuu tartan naga dhexeeyaa, Hawsha Xisbigana hogaan ayaanu uga dambaynaa, guddida fulinta dadka isku imanayaan waa golihii dhexe oo liiskoodii la hayo aniguna aan ka mid ahay guddida fulinta iyo golaha dhexeba.

Mr Samaale waxaa uu intaasi ku ladhay “Aniga cid Xisbiga iga horjoogsatay may jirin, Cid ii diidayna may jirin,warkaasi waa war beena  ilaa 2002 Kulmiye aasaaskiisii ragii usoo dhabar adaygay ee joogay ayaan ka mid ahaa, aniga iyo in badan oo saxiibaday oo walaaladay ahba.”

Comments

comments