Somaliland: Xukuumada oo Si Rasmiya u Shaacisay in La Wareejiyay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.

Date:

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa maanta rasmi ahaan shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa, loogu wareejiyay shalay lix sharkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kireysay.

Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.

Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahi kale ma bixin wasiirka ganacsigu.

Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.

Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...