Somaliland: “Majirto Saxaafad Beeshayda Ah Oo Aan La Kulmay Mana Jirto Meel Aan Ku Idhi 40- Milyan Ayaan Haystaa”. Wasiir Xirsi

Date:

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horaysay ka hadlay war ku saabsan shir uu la qaatay wariyeyaal ay isku hayb hoose yihiin, kuwaasi oo la sheegay inuu ka dalbaday taageero, sidoo kalena kula dardaarmay inay indho gaar ah ku eegaan rag ay hanaan siyaasadeed isku hayaan.

Wasiir Xirsi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa su’aasha ku saabsan kulanka uu la qaatay suxufiyiinta ay isku haybta yihiin sidan uga jawaabay

  “Midna ma arag, kooxna ma arag. Waana mishkiladda dadka abuuraya qabyaaladda iyo qudhunka, kuwaas ayaa ku adeeganaya, waxay tidhaa Soomaalidu tuug intaanad tuug ku odhan ayuu tuug kugu yidhaa waa mid isagu qabyaaladda ka shaqaynaya, anigana saxaafaddu way ii siman tahay mana jirto cid iyo koox aan gaar u arkay,” ayuu yidhi Mudane Xirsi.

Mid ka mid ah suxufiyiinta ayaa sidoo kale waydiiyay Wasiir Xirsi in laga soo xigtay isagoo ku taamaya inuu hanta haysto islamarkaana sheegay inuu yahay Afartan jir afar sanno siyaasadda ku jiray oo afartan Milyan Dollar haysta, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay mid been ah.

“Warkaasi waa mid been ah,haddaad caddayn haysana soo bandhig, mana sheegin anigu. Markaan halkan(Kursiga) imid waxaan ahaa nin shaqaysta oo xoogsada ee maan ahayn nin dawarsada,mana ahayn nin baahan. Markaan kursiga imidna waan ladnaa imikana waan ladanahay oo mahad Illaahay ayaan joogaa, mana jirto lacag aan haysto oo aan dadka ugu faanayo, ee dawladda ayaan u shaqeeyaa waana la I yaqaan, lagumana yaqaan dadka lacagta doona ee hunguriga badan, ee waa beenaaleyaasha warka aan jirin ururiya ee madaxda iyo d adka umadda u shaqaynaya ku weerara,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiir Xirsi ayaa sidoo kale la waydiiyay inuu sharaxan yahay kadib markii muddooyinkii u dambeeyay ay soo baxayeen inuu tartan ugu jiro hogaanka Kulmiye

“Taas waanigii hore uga jawaabay ee idhi Madaxweynahayga ayaaba sharaxan ee maxaan anigu sharaxnaan,” ayuu yidhi Xirsi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...