Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Qaabilay Ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Raisedon Zenenga oo Booqasho ku Jooga Somaliland.

image

Kulanka ka dib waxa saxaafada uga warbixiyey wasiirka arrimaha dibada Somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in ay ka wada hadleen labada dhinac sidii ay u sii kobcin lahaayeen una balaadhin lahaayeen wada shaqaynta Somaliland iyo UN-ka ka dhaxaysa, sidoo kale waxay ka wada hadleen dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka, arrinkii Doorashooyinka oo imika dhamaaday kuna dhamaaday goaankii maxkamada iyo arrimo kale oo dhawra.

image

ugu danbayna waxa halkaasi ka hadlay ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in ay dalka ugu danbaysay 1992 ilaa 1993 gii wakhtigaasi oo uu ka shaqayn jiray UN-ka ee dagaaladu ka socdeen Xamar, wakhtigaa dheer ka dibna aan Somaliland ku soo noqday maanta iina muuqdeen in ay Somaliland Samaysay horumar balaadhan oo dhinacyada, Nabadgelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Dhismayaasha, arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, taasina ay tahay wax lagu farxo, qaramada midoobayna ay diyaar u tahay in ay idin barbar istaagto oo ay sidii ay horeba idinla shaqayn jirtay iyo si ka wanaagsanba idinla shaqayndoonto.

kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen.

1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”

2. Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye

3. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis

4. Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan

5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

 

 

screenshot-www.codkasomaliland.com 2015-09-02 18-23-41

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...