Somaliland: Imaraadka Oo u Furtay Albaabadeeda Somaliland & Mashaariicda Ay Ka Bilaabayso Dalka

Date:

Danjiraha Somaliland Ee Imaaraadka Oo Kulan La Yeeshay Madaxa Ha’yada Khaliifa Foundataion

Dawladda imaraadka Carabta ayaa shaacisay inay dalka Somaliland si dhakhso ah uga fulin doonaan laba mashruuc oo lagu hirgalinaayo dhaamam biyo xidheeno ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa waxaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ha’yada Khaliifa Foundataion ee dalka Imaaraadka carabta Maxamed Alkhoori. Waxaana labada masuul ka wada hadleen sidii mashaariicda Ha’yada ka wado dalka u sii xoojin lahayd.

imaaraad1
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Baashe Cawil Xaaji Cumar

Safiirka ayaa uga mahad ceshay doorka taakuleenta ee ee ha’yadani ka wado Somaliland. Iyada oo iminka ay gacanta ku hayso dhowr mashruuc oo ay ku jiraan labo dhakhtar, mashruuca biyo gelinta ee xumbo wayne ee lagu balaadhinayo biyaha caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo uu ku amaanay dedaalka ay ugu jirto inay waxtarka dadweynaha ku tabaalaysan abaaraha.

Dhanka kale waxay Masuulka Ha’yada khayrigu ee khaliifa Foundation sheegay in laba mashruuc oo cusub ay Dawladda Imaraadku ka hirgalin doonto dalka Somaliland, kuwaas oo ah Dhaamam waaweyn oo biyo xidhiino ah, maadaama baahida ugu weyn ee Somaliland hadda jirtaa ay tahay Biyaha.

imaaraad3Arrintan ayaa noqonaysa mashruucii sadexaad ee dawladda Imaraadku ay ka fuliso dalka Somaliland tan iyo intii Somaliland safiirka cusub u magacawday dalkaas. Dhinaca kale Dalka Imaraadka Carabta oo kamid ah waddamada ugu qanisan Khaliijka ayaa laga dareemay xidhiidh isu soo dhawaansho ah oo uu la yeelanaayo Somaliland, iyadoo Diyaarada Fly Dubai ay hadda si joogto ah u timaado Somaliland.

Dhinaca kale Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa gudoonsiiyay madaxa ha’yadaas abaalmarin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo ku aadanayd doorka ay ka gaysteen mucaawinooyinka uu dalka Imaaraadku siiyo waddanka Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...