Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wadda qorshe haamaha kaydka shidaalka ee Berbera loogu wareejinayo shirkaddaha soo dejiya shidaalka oo haatan u isticmaala Haamaha kayd ahaan, sidaasna waxaa guddida ilaalinta hantida qaranka ee wakiillada u sheegay wasiirka ganacsiga oo maanta xog waraysi siinayay guddida.
Wararka ku saabsan wareejinta Haamaha Keydka shidaalka Berbera oo isa soo taraysay ayaa maanta soo shaac baxday waxaanu wasiirku sheegay inaanay door ku lahayn wareejinteeda balse ay sugayaan inay saxeexaan marka qorshaha wareejintu soo dhammaado.
Xildhibaan Naasir Cali Shire oo guddida ilaalinta hantida qaranka ka tirsan ayaa sidan uga hadlay wareejinta Haamaha “Waxyaabaha aanu aad uga hadalay oo imika aad loo hadal hayo waxa ka mid ah arinta Haamaha shidaalka ee magaalada barbara, haamaha shidaalka baryahan sidaan ogsoonahay waxa la hadal hayaa in lugu wareejiyo shirkado, waxaana wasiirka ganacsigu noo cadeeyay in arinkaasi dhab yahay waxaa kale oo ay noo cadeeyeen in ay iyaga ka wasaarad ahaan ay maamulaan uun laakiin marka noqoto qarashaad iyo lacag aanay shaqo ku lahyin.”
Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirku ka gaabsaday faahfaahinta sababaha loo wareejinayo iyo wakhtiga rasmiga ah ee la wareejinayo Haamaha Kaydka shidaalka. Waxa uu sheegay inay xog waranka uga soo baxday sida loo rifay awooda wasaaradda oo haatan Liisan bixinta ganacsiga uun ku kooban.
Sheekh Saleebaan Siciid, maareeyaha Haamaha shidaalka Berbera, ayaa isna ku dooday inaan la wareejin Haamaha “Haamaha Aniga ayaa ka Masuul ah Anigana wax isoo gadhay mahayo ilaa hada oo wareejin ah,Shirkadahu waxa ay ka mid yihiin ganacsatada aanu u shaqayno,waxaan arintaas ka ogay majirto,sabab loogu wareejiyaana hada Meesha ma taalo oo anigu garan maayo,. Ayuu yidhi Maareeyuhu.
Xildhibaan Managed Faarax Qabile oo wakiillada ka tirsan ayaa isna dhaliilay qorshahan xukumadda. Waxa uu sheegay inaanu socon doonin heshiiskaasi ilaa golaha la hor keeno “Arrinta Haamaha waxa la leeyahay waa la kiraynayaa, heshiiskaasi waa waajib dastuuri ah in golaha la keeno, mana gudbi karo golaha wakiillada la’aantii.maamulka haamaha shidaalku hadduu halkan noogu iman waayo guddida ilaalinta hantida qaranka ayaa goobtiisa ugu tagaysa,” ayuu yidhi Mr Qabille.
Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa xarumo badan oo dawli ahaa haatan ku wareejinaysa ganacsato, iyadoo hore loo wareejiyay warshadda Laydhka Hargeysa,ta Berbera iyo dekedda Berbera oo qorshaha lagu wareejinayaa socdo.