Germany: Weerarada lagu qaadayo xeryaha Qaxootiga oo sii kordhaya

Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay sare usii kacayey weerarada ay kooxaha xagjirka Cunsuriyiinta Jarmalka ku qaadayaan xeryaha lagu hayo dadka qaxootiga ah ee lagu qaabilay wadankaasi Germany.

Salaasadii shalay ayey labo nin oo hubeysan weerareen xero ku taal magaalada Parchim walow weerarkaasi uusan wax khasaare ah ka dhalan kadib markii ciidamada booliiska qabteen labada nin ee cunsuriyiinta ah kuwaasi oo la sheegay inay khamreysnaayeen.

Xeryaha-Germany4-740x488

Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa sidoo kale weeraro lagu qaaday xeryaha qaxootiga ee ku yaal Germany, gaar ahaan magaalada Heidenau oo ku taal bariga dalka Germany, goobtaasi oo ay weerareen boqolaal kooxaha cunsuriyiinta ah oo kasoo horjeeda in la qaabilo qaxootiga kusoo qul qulaya dalka Germany.

Waxaa sidoo kale xalay la gubay iskool qaxootiga lagu qaabilo oo ku yaal duleedka magaalada Berlin, dabkaasi ayaan cidna wax ku noqon.

Dowlada Germany ayaa si adag uga hadashay weerarada lagu qaadaya xeryaha Qaxootiga, hogaamiyaha Germany Angela Merkel ayaa sheegtay in falalkan ay yihiin kuwo waxashnimo ah isla markaana dowlada ay gacan adag ku qaban doonta kooxaha danbiyadan geysanaya.

Angela Merkel ayaa lagu wadaa inay gelinka danbe maanta ay booqato magaalada Heidenau oo ay todobaadkan weerarada ka geysteen cunsuriyiinta Germany.

screenshot-horseedmedia.net 2015-08-26 11-03-08

Comments

comments