Yemen: Soomaali dib uga soo qaxday dalka Yemen oo Bosaso lagu soo dhaweeyey

Date:

Waxaa maanta dekadda magaalada Bosaso ku soo xiratay doontii ugu horeysay oo siday muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka soo qaxay dagaalada ka jira dalka Yemen.

Waxa ay gaarayeen shacabkaasi 62 qof oo isugu jiray haween, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, isla markaana qaarkood lagu waday bareele.

Waxaa goobta ku sugnaa maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, saraakiil iyo qaar ka mid ah hay’adaha ka hawl gala Puntland.

Dadkaasi qaarkood ayaa loo gudbiyey xarumaha caafimaadka ee magaalada, si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo, halka kuwa kale la geeyey goob ay ugu tala galeen xukuumadda Puntland.

Magaalada Mukalah ee dalka Yemen ayey ka soo qaxeen dadkaasi oo in muddo ah ku noolaayeen.

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo gudaha dekadda kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay ka maamul ahaan in dadkaasi xaaladooda la socon doonaan inta ay ku sugan yihiin Puntland.

Gudoomiyaha gobalka Bari C/samad Maxamad Gallan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay gaarsiin doonaan goobaha ay rabaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...