Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Kulan La Yeeshay Garsoorayaasha Maxkamada Sare & Gudida Cadaalada.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda cadaalada Somaliland oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardargalilahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo cadaalada.

isla markaana loo xoojin lahaa cadaaladda maadaama oo cadaaladu tahay udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba.
Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay cadaalad ku helikaraan iyo sidii looga hortagilahaa caqabkasta oo wax yeelaysa cadaalada layskuna meel dhigilahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

11206960_824262627687592_281503161664544838_n

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, wasiirka Cadaalada iyo garsoorka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo weliba xubno ka mida gudidada cadaalada iyo garsoorayaasha maxkamada xubno ka mida.

Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay inuu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinaado cadaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hogaamiya wanaag, sinaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

11902556_824257757688079_7845234665543827094_n

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

1 COMMENT

  1. I am very happy for Adan Hajii Ali”s appointment. He is a serious young man. I met him in 2006 when he and I presented a lecture together while he worked at the University of Hargeisa and I was visiting Somaliland. It is good this government is hiring young professional Somalilanders but the government should not use ‘young’ only as a criteria but to demand the young to be honest, hardworking and brave when they are right like Adan Jaji Ali. May Allah swt keep him for Somaliland. My thanks to President Silanyo for this. Rhoda Rageh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...