Somaliland: Emirateka Iyo Sacuudi Arabiya Oo Doonaya inay Saldhig Militery Ka Dhisaan Magaalada Berbera

Waxay Ka Mid Ahayd Arrimahii Ugu Waaweyna Ee Emirateku Kala Hadlay Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan Markii Uu Emirateka Booqday.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Emirateka Carabta Anwar Mohammed Qarqash oo u waramaayay telefishanka Al Carabiya ee saldhigiisu yahay magaalada Dubai ayaa sheegay in dalalka huwanta ah ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta dalka Yemen ay ka fekerayaan inay saldhig militery ka dhisaan dhinaca kale ee ayuu yidhi biyaha bedda cas, wuxuuna Mr. Qarqash sheegay inay kala hadleen arrimahaasi masuuliyiin Soomaali ah isagoo carabka ku dhuftay madaxweyne Siilaanyo.

Mr. Qarqash oo sharaxaad ka bixinaayay ujeedada saldhigani militery ee dalalka huwanta ee Sacuudigu hogaamiya doonayaan wakhtigani inay ka dhisaan Berbera ayaa wuxuu yidhi
“dhawr goobood ayaanu isla eegnay, waxaana meesha ugu haboon aanu u aragna magaalada Berbera oo kaabiga ku haysa magaalada Cadan oo dhawaan laga sifeeyey kooxda xuutiyiinta, waxaanu doonayna in saldhigani uu xudun u noqdo adkaynta amniga mandaqadda iyo gaar ahaan dalka Yemen, waxaana uu hoos iman doona saldhiga ciidamadda Militeryga huwanta ee magaalada Jeddah” ayuu yidhi Mr. Qarqaash.

Wasiirku faahfaahin kama bixinin, balse wararka ayaa tibaaxaya in saldhigani ay ciidamadda huwantu doonayaan inay hubka uga gudbiyaan ciidamadda iyo maleeshiyaadka hubaysan ee ka soo horjeeda kooxda xuutiyiinta, sidoo kale Saldhigani militery ayey dalalka khaliijka Carbeed doonayaan inay kala socdaan dhaq dhaqaaqyada dalka Iran ee ku wajahan gacanka cadmeed iyo marinka Mandab ee kala qaybiya biyaha bedda Yemen, Somaliland, Jibouti iyo Eritrea, kaasi oo ah mid aad ugu muhiim ah dhinaca ganacsiga.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa laba bilood ka hor waxay booqdeen magaalada Abu Dhabi iyagoo kulano aan faahfaahin badan laga bixin la yeeshay masuuliyiinta dalka Emirateka Carabta, shariikadda Dubai Port ayaa iyadu wadda wadahadalo kale oo ay doonayso inay kula wareegto dekedda magaalada Berbera.

Halbeeg

Comments

comments