Somaliland: 42 Qof Oo Lagu Xasuuqay Dagaalkii 1988 Oo Xabaalo Wadareed Dib Loogu Aasay Hargeysa Saaka

Date:

Ku dhawaad 50 qof oo ka mid ahaa dadkii ay dawladii Siyaad Barre gobolada Somaliland ku xasuuqday sanadkii 1988-kii ayaa lafahoodii maanta galinkii hore dib loogu aasay agagaarka tuulada Biyo-Shiinaha ee ku taala duleedka waqooyi ee magaaladda Hargeysa.

Dadkan oo markii la laayey maydkoodii si degdeg ah loogu aasay xabaalo wadareedyo (mass graves) ayaa waxay lafahoodii banaanka u soo baxeen ka dib markii ay shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ay deegaankaasi ka bilaabeen hawl ay dhulka ugu jeexayaan beebka cusub ee biyaha kasoo qaadi doona Geed-deeble ilaa Hargeysa. Qayb ka mid ah maydadkaasi ay lafahoodii soo baxeen ayaa shalay si xurmo iyo maamuus leh oo dhaqanka Islaamka waafaqsan dib loogu aasay isla goobtaasi, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Guddida Xasuuqu.

 11898565_10153083311942469_3279927357985878105_n

Aaskii maanta ayaa intii aan maydka lagu tukan waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Ibraahim Siyaad Yoonis, Maayarka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Wasiirada Warshadaha iyo Cadaaladda, Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Khadar Axmed Likeh, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan Siiro), Mujaahid Yuusuf Cabdi Goboobe iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday dhibaatadda ay shacbiga Somaliland usoo mareen inay dib ula soo noqdaan xornimadooda luntay lixdankii.

Dhinaca kale dad lagu qiyaasay Boqol kun oo qof ayaa ku naf waayey xasuuqyadii ay geysatay dawladdii Somalia ee uu hogaamiyaha ka ahaa diktaytarkii Siyaad Barre oo ka dhacay gobolada Somaliland mudadii u dhaxaysay 1988-1990. Daba-yaaqadii May 1988-kii markii ay ciidamadii SNM ka soo ruqaansadeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland isla markaana soo galeen gudaha dalka gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ciidamadii dawladii Siyaad Barre waxay bilaabeen inay dilal aargoosi ah oo baahsan  kula kacaan dadka rayidka ah, kuwaas oo ay la beegsadeen duqayn cirka iyo dhulka ahba halka qaar kalena iyagoo raxan-raxan isugu xidh xidhan toogasho lagu dilay. Boqolaal kun oo dad ah oo ka qaxay Hargeysa ayaa intii aanay u talaabin dhinaca xadka Ethiopia bilihii June, July iyo August ee 1988-kii  kusii hakaday deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada sida Biyo-shiinaha, Geedka Gaboobe, Annayo, Maluugta, Iidaan,Gogol-wanaag, Geed-deeble,Horo-haadlay iyo qaar kale.

Xabaalo-wadareedyadan Biyo-shiinaha aya waxa la aaminsanyahay in dadka ku aasani ka midyihiin shicibkii magaalada Hargeysa uga qaxay dhinaca waqooyiga ee ay dawladdii Siyaad Barre kala daba tagtay diyaaradihii dagaalka iyo madaafiicadii tiirada dheereyd oo ay ku  duqeysay iyadoo intii dadkaasi ka badbaaday ay aakhirkii ku dambeeyeen xeryo qaxoonti ah oo laga furay dhinaca xadka Ethiopia.

Haatuf + wargane

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...