Brazil: Shacabka oo codsaday in xilka laga qaado Madaxweyne Dilma Rousseff

Date:

Boqolaal kun oo qof ayaa ka qeyb qaatay banaanbaxyo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Brazil, mudaharaadkaasi oo ay shacabka ku codsanayeen in xilka laga qaado Madaxweynaha Dilma Rousseff oo lagu eedeeyey Musuq Maasuq.

Banaanbaxyada ayaa xoogooda ka dhacay magaalooyinka waaweyn sida Sao Paulo iyo Rio de Janeiro, dadka ayaa socod dheer ku maray bartamaha magaalooyinka dalkaasi Brazil iyagoo ku dhawaaqayo erayo lagu cambaareenayo haweenayda Madaxweynaha ka ah dalkaasi.

Brazil-Banaanbax

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey fadeexooyin la xariira musuq maasuq baaxadleh oo ay ku kaceen xisbiga talada haya xubno kamid ah oo horey mas’uuliyiin uga soo noqday dowlada, waxaana fadeexada musuq maasuqa ugu weyneyd shirkada shidaalka ee dalkaasi oo la sheegay inay sanado lasoo dhaafay ku takri faleen xubno kamid ah xisbiga Dilma Rousseff.

Brazil-Banaanbax

Madaxweyne Dilma Rousseff oo sanadkii lasoo dhaafay mar 2aad ku guuleysatay doorashada ayaa weli diidan inay xilka ka degto, iyadoo horey u balan qaaday inay ku dhaqaaqi doonto la dagaalanka musuq maasuqa, walow mucaaridka dalkaasi uu sheegayo in Madaxweynaha uu gebi ahaan dhumiyey taageerada shacabka isla markaana Xil ka qaadis lagu sameeyo ama ay iyadu xilka isaga degto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...