Ethiopia: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo La Kulmay Madaxweynayaal African ah

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira socdaalkiisi Dalka Ethiopia ayaa la kulmay Laba madaxweyne oo hore u soo maray Xilalka Dalalka South Afrika iyo Suudaan.
madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, safiirka somaliland ee itoobiya Maxamuud Aadan Jaamac, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan xogyaha gaarka ah ee madaxweyne ku xigeen Cabdirashiid ayaa la kulmay madaxweyninihii hore koonfur Africa Thabo Mbeki ahna Gudoomiyaha gudiga sare ee xalinta khilaafaadka koonfur afrika iyo chief staff ka gudigaasi.

11952983_823375714442950_4252974766716182277_n

safiirka Somaliland ee itoobiya Maxamuud Jaamac Aadan Galaal oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland iyo South Afrika ay yihiin laba wadan oo khabiir ku ah dhinaca nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka.
markaa hadii labada khibradood la isla kaashado ay wax weyn ka tarayso nabadaynta Koonfurta Suudaan Somalilandna ay diyaar u tahay inay khibradeeda la wadaagto.

wasiirka arrimaha dibada JSL Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay somaliland buuxisay shuruudihii lagu aqoonsan lahaa dawlad, isagoo xasuusiyay Thabo Mbeki markii uu madaxweynaha ahaa inuu ka garaabay qadiyada ictiraafka somaliland imikana looga fadhiyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa xidhiidhka labada dal.

Madaxweyne ku xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna uga waramay heerarkii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay iyo horumarka ay ku talaabsatay iyadoon beesha caalamka ka helin gacantii ay uga baahnayd isagoo sidoo kale ku dheeraaday kaalinta hormoodnimo ee koonfur afrika kaga jirto qaarada afrika loona baahan yahay sidii ay uga ololayn lahayd qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweynihii hore ee koonfur afrika Thabo Mbeki ayaa ku amaanay somaliland sidii ay meel souse wax uga soo bilowday nidaamka dawladnimo soona gaadhsiisay heerka ay maanta taagan tahay ee ay ku naaloonayso dimuquraadiyada nabada iyo xasiloonida.
Geesta kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenka somaliland la kulmay Madaxweynihii hore ee Suudaan saadiq Al amiin oo ay ka wada hadleen arrimo dhawra.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...