Somaliland: Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Bilawday Xidhitaanka Ishaarooyin ka Tamarta Qorxda ku shaqeeya

Caasimadda Soomaaliland ee magaalada Hargeysa ayaa saaka ku waa bariisatay Ishaarooyin cusub oo kala hagi doona Gaadiidka magaalada.
Magaalada hargeysa ayaa dadku in badan naawilayeen in ay magaaladu dib u yeelato Ishaarooyinka baabuurta kala haga, kuwaasi oo ay ugu dambaysay wakhtigii uu xilka ka dagay maayir Cawl Cilmi CAbdalla, oo wakhtigii uu xukumayay magaalada ka hirgaliyay Nalalka Baabuurta kala haga iyo Astaamo badan oo ay magaaladu maanta ku faanto wax weyna u taray bilicda magaalada.
Maayirka cusub ee magaalada Hargeisa Cabdiraxmaan Soltelco oo ah nin dhalin yaro ah, ayay shacabku in badan ka sugayeen in uu wax ka qabto bilicda magaalada oo ay ugu horeeyaan Laydhadhka baabuurta kala haga, kuwaasi oo uu in badan ballan qaaday in uu fulin doono, laakiin aakhirkii saaka rumoobay.

Magaalada Hargeysa ayaan lahaan jirin laydhadhka baabuurta kala haga, wakhtigii ay ka tirsanayd Dalkii

Comments

comments