Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Qaabilay Wefti Samafal oo Kuwait Ka Socda

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxaned Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socday dalka kuwait oo uu hogaaminaayey madaxa hay”adda samofalka kuwait fan oo uu hogaaminaayey Sacad Al Cuyabi oo madax u ah in ka badan afartan dawladood.

mudadii kulankaasi socday waxa lagu lafa guray sidii door wax ku ool ah ay hay”adani samafalka ahi uga qayb qaadan lahayd caawinta iyo dardargalinta shacabka ee Somaliland gaar ahaana dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee galbeedka iyo waqooyiga dalka.

11873362_823274547786400_2774287058468178750_n

waxaana markii shirkaasi laga soo baxay sidaa warbaahinta u sheegtay maareyaha xafiiska samofalka.

madaxa waftigan kuwait fan sacad al cuyabi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha ay kaga hadleen siddii hay”adani ay u xoojin lahayd kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talogaleen shacabka Somaliland waxaanu iftiimiyey in hay”adani dhistay dugsiyada waxbarashada agoomaha ee ku yaala bariga hargaysa waxa kale oo uu tilmaamay in uu hada socdo dugsigii hablaha ee agoomaha oo isla dugsigaasi inamada ka soo horjeedda.
Gebagebdii waxa uu madaxwaynaha uga mahad ceyey soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay shacbiga iyo Dawladaba.

11917762_823274644453057_5407697688909614357_n 11905748_823274491119739_377360552895692040_n 11903792_823274727786382_2090496656007046861_n 11892099_823274691119719_6437131753701965983_n 11873362_823274547786400_2774287058468178750_n 11870934_823274481119740_5451873885391726356_n

Comments

comments