Somalia: Farmaajo Oo Laga Mamnuucay In Uu Dul Maro Hawada Kenya Iyo Safar Uu Maanta Ugu Baxayay Dalka Rwanda Oo Si Kedis Ah Uga Baaqday.

Date:

Farmaajo Oo Laga Mamnuucay In Uu Dul Maro Hawada Kenya Iyo Safar Uu Maanta Ugu Baxayay Dalka Rwanda Oo Si Kedis Ah Uga Baaqday.
Waxaa safar uu ku aadi lahaa dalka Rwanda ka baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib cilad farsamo ay soo wajahday diyaarad ka qaadi laheyd magaalada Muqdisho.

Ka hor intaanay isku dayin in ay ka duusha diyaaradaan garoonka magaalada Muqisho ayaa lagu wargeliyay in aysan mari karin hawada dalka Kenya, sida aan ka soo xiganay Saraakiil katirsan garoonka magaalada Muqdisho.

Sida caadiga ah markii ay diyaaradaha ka baxayaan dal islamarkaana ay ku sii jeedaan dal kale waxaa lagu wargeliyaa waaxda socdaalka ee dalka marinka ah, markii ay madax ka gudbayaana kuma sii jirto.

Waaxda duulimaadka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in Hawada dalkeeda ay marto diyaarad u kireesneed Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana markaas la isku raacay in la maro Hawada dal kale balse waxaa cilad qabsatay diyaaradii qaadi laheyd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa markii ugu horreysay oo ay tilaabadaan qaadato Kenya waxayna qayb ka tahay xadgudubyada ay kula kacayso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa wali wada tanaasul iyo dulqaad maadaama ay Kenya wajaheyso guul darrooyin badan.

Dowladda Soomaaliya oo ka gudubtay xadgudubyo badan oo uga yimid Kenya ayaa u aragto in Kenya oo gacanta waxba ku heynin ay markeeda wajihi doonto guul darrooyin badan oo ka dhasha dooda ay gelisay Badda Soomaaliya.

Soomaaliya wali kama aysan hadlin baaqashada madaxweynaha iyo go’aanka Kenya, balse waxaa jiray qoraalo cudur daar oo ay Internet-ka isku dhaafsadeed Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Rwanda kuwaas oo lagu cadeeyay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradii qaadi laheyd wafdigii Soomaaliya ee ku wajahanaa Rwanda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...