Somaliland: “Bilowgii Nabadda, Gogoshii Guurtidda Iyo Bog-Xaadhadkii Beelaha Walaalaha Ah”Wasiir Xirsi

Date:

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ammaanay shir nabadeed laba beelood uga furmay magaalada Caynaba ee gobolka Saraar, shirkaasi oo ku saabsan soo afjarida shaqaaqo dhawaan laba beelood ku dhexmartay degaanka Guumeys.

Wasiirka madaxtooyada oo ay weheliyaan Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal ayaa furitaanka kulan nabadeedkaasi ka qayb galay waxaanu labada dhinac ku ammaanay sida qiimaha leh ee ay u oofiyeen ka qayb galka shirka nabadda.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu kaga hadlay arrintan oo uu ku baahiyay bartiisa internetka ee guusha.com, qoraalkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Bilowgii Nabadda, Gogoshii Guurtidda iyo Bog-xaadhadkii Beelaha Walaalaha ah. Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda gobolka Saraar ee Caynabo, gogoshii bog-xaadhadka ahayd ee loo dhigay beelaha walaalaha ah kuwaas oo muddo ka hor shaqaaqo ku dhex martay Guumays.Haddaba, jawiga shirka ayaa ku bilowday furitaanka shirkaas khayrka badan halkaas oo labada ardaaba si xilkasnimo badan uu soo xadireen iyagoo oofiyey balkii 21 cisho kahor aan kala qabsanay in la isugu yimaado degmada Caynabo. Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa tiro ka mida golaha ku suntan gurmadka iyo guusha ee Guurtida iyagoo soo xulay xilkas aan rajaynayno in ay labadaas beelood dhexdooda ka islaaxiyaan nabad waarta oo caano badan “Idan Alle”.

Annaguna ka xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay marka guurtidu soo saarto go’aamo inaanu si degdeg badan u fulino isla markaana taabo-gelino. Furitaanka shirka oo ay igu wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Mud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dib-U-Dejinta Mud Cali Saciid Raygal, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Gudoomiyeyaasha gobollada Sool iyo Saraar, Xildhibaanno iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda ayey dhammaantood xuseen qiimaha nabadda iyo wada noolaashaha beelaha walaalaha iyo dariskaba ah.

Shirkan ayaa imanaya ka dib markii muddo 21 cisho ka hor ah aanu balan ku qabsanay degmooyinka Oog iyo Yagoori halkaas oo aanu ku balanay in aan ka xukuumad ahaan keeno tiro kamida Golaha Guurtidda isla markaana si mugle loo lafo-guro salka khilaafka si xal waara looga gaadho, waxaan Illaahay uga mahad celinayaa in uu maanta na waafajiyey in kulankaasi furmo labada dhinacna iyagoo nabada iyo horumarka hamuun badan u qaba ay goobta soo xaadiraan. Insha Allah waxaa beri si rasmi ah xubnaha golaha guurtidu u gonda-deggi doonaan bilowga garnaqsiga iyo xaslinta nabad waarta.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...