Somaliland: Wasiir Ku-xigeenka Khaarajiga Oo La Kulmay Danjire Ka Socday Dawladda Jarmalka

Date:

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Somaliland, Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah agaasimayaasha waaxaha, qaarka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda iyo masuuliyiin kale ayaa kulan casho sharaf soo dhawayn ah ku qaabilay Danjiraha dalka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nairobi, halkaasi oo lagu casuumay Hudhueelka Ambassador ee magaalada Hargeysa habeenimadii 12-ka August, 2015.

Danjire Christian Resch oo booqasho dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, isla markaana soo kormeeray habsami u socodka mashaariic kala duwan oo ka mid ah deeqaha gargaarka horumarineed ee dawladda Jarmalku ka caawiso Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Kayse ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dawladda Jarmalka mashaariicda waxtarka leh ee dawladda Jarmalku ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan oo xagga biyaha, caafimaadka iyo dhinacyo kaleba leh, waxanu dhirrigeliyay in caawimada Jarmalku u fidiyo Somaliland lagu fidin doono dhinacyada kale ee iyaguna mudnaanta u leh u leh Somaliland oo horumarinta dhaqaale iyo maalgashigu ka midyahay.

Safiirka Jarmalka ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadceliyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaah Dibadda iyo xukuumadda Somaliland guud ahaan sida saaxiibtinimada iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay dalka, waxanu rajeeyay inaanay noqon safarkii ugu dambeeyay ee uu ku yimaado dalka.

11885052_1618188011778884_2029072916953717056_n11222579_1618188308445521_3526894625393869028_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...