Magacyadda Xildhibaanada ku Loolamaya Guddoomiyaha Wakiiladda Iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad.
Guddida Musdambeedka ee jaan-goysa siyaasadda iyo go’aamadda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo dhammaantood ah beesha Hoggaamiyaha xisbigaasi ka soo jeeda ee galbeedka Burco, ayaa ugu dood muddo dheer ay dhegaha ka furaysanayeen ka dib waxa ay go’aamiyeen in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu xilka iyo xubinimadda Golaha Wakiiladda iska casilo marka furmo kal-fadhiga 28-aad ee aqalka Wakiiladda oo lagu wado inuu bilaabmo maanta oo bishan August 8 tahay.
Guddida Mus-dambeedku waxay go’aankan qaateen ka dib markii ay u arkeen in xisbigaasi aanu noqon Karin mid saamayn mucaaridnimo yeesha haddii aanu Hoggaamiyahoodu iska casilin xilka iyo xubinimadda aqalka Wakiiladda, waxaana ilo guddidaasi ku dhow dhowi DAWAN u xaqiijiyeen inay isla garteen inaan xisbigoodu uu kaalin ku yeeshay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhintaba,iyadoo ay bar-madow ku noqotay xilka Guddomiyahoodu uu ka hayo Golaha Wakiiladda. Maadaama oo Guddoomiye Cirro uu horjooge ka yahay aqalka hoose ee baarlamaanka.
Sidoo kale Guddidaasi waxay sheegeen in xisbigooda ay dheg xumo ku tahay inay dhex fadhiyo Guddoomiye Cirro Golaha ay u arkaan inuu ku fadhiyo sharci darro.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in iscasilaada Guddoomiyaha WADDANI ee xubinimada Wakiiladda loo qoondeeyay inaanay dhaafin todobaadka u horeeya furitaanka kal-fadhiga 28-aad ee Wakiiladda.
Geesta kale waxa warar aan wali la xaqiijini ay sheegayaan In Guddida Musdambeedku ay Cabdiraxmaan Cirro ka wareejin doonaan Guddoomiyenimadda xisbiga si uu u noqdo oo kaliya murrashaxa WADDANI u metali doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto sannadka 20017-ka.
Dhinaca kale, waxa durba soo baxay Magacyadda Xildhibaanadda u tartamaya Guddoomiyenimadda Golaha Wakiiladda, kuwaasi oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, Siciid Maxamed Cilmi, Garyaqaan Maxamed Jaamac, Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) iyo Siciid Cilmi Rooble.halka xilka Guddoomiye Ku xigeenka koowaadna ay u cararayaan Xildhibaan Abubakar Good iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.
XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN