Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Khasaare Dhimasho Dhaliyay Oo Xalay ka Dhacay Hargeysa

Date:

Ilmo Carruur ah oo sagaal jir ahaa ayaa xalay dhintay, laba qof oo kalena way dhaawacmeen ka dib markii dadweyne Cadhaysani ay weerareen ciidanka Booliska oo ilaalinayay Dhismaha Guri laga dhisayay xaafadda Jig-jiga yar oo loo joojiyay muran ka taagnaa dhulkaas.

Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Cabdi Daahir Cammuud oo dhacdadan Codka Somaliland, wax ka weydiiyay waxa uu yidhi “Waxa maanta(shalay) ka dhacday Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargeysa Guri la dhisayay oo dhulkiisa la isku haystay ayay Dawladda Hoose tidhi hala joojiyo, ka dibna ciidanka Boolisku way joojiyeen oo meeshii ayay tageen markaa dad ayaa diidanaa in la joojiyo oo booliskii shiiday, hase yeeshee gambalkii markii uu dhacay xalay ayaa waxa haddana meeshii yimid dad kale waxaanay weerareen Ciidanka booliska ee goobtaas ku sugnaa.”

“Markii ciidammadii la dhagaxeeyay ee la soo hujuumay waxa goobtii ku dhintay ilmo yar oo sagaal jir ah oo xabadu jeeraaro ugu tagtay meel u dhow dhulkan, halka laba qof oo kalena ka dhaawacmeen,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Amniga Cabdi Daahir Cammuud.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu intaasi ku daray inuu ka xun yahay khasaaraha goobtaas ka dhacay, waxase uu dadweynaha ugu baaqay inaanay waxyeelaynin ciidammadda Booliska ee nabad-gelyadda sugaya, waxaanu tilmaamay inay jiraan askar wax ku noqotaydhagaxaantii ay tuurayeen dadkii diidanaa joojinta dhulkaasi. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay jiraan dad loo qab-qabtay dhacdan oo Boolisku xidheen.

Mushkiladda dhulka oo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqonayay Caasimadda Hargeysa, oo marwalba khilaafka dhulku sababo khasaare iskugu jira dhimasho iyo Dhaawacba.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...