USA: Rasaas ka dhacday xuskii Ferguson ee dilkii Micheal Brown

Date:

Waxaa Axadii shalay magaalada Ferguson ee dalka Maraykanka laga xusay dilkii askari cadaan ah uu sanad kahor u geystay wiil Madow oo lagu magacaabi jiray Micheal Brown.

Xuska oo gelinkii hore shalay si nabad ah uga dhacay magaalada Ferguson, ayaa waxaa lagu xasuusanayey dilkii loo geystay Micheal Brown oo ah 18 jir madow ah oo uu dilay askari Cadaan ah.

Shacabka Ferguson ayaa weli ka careysan inaan wax maxkamad ah la saarin askariga dilka u geystay wiilka madow oo aan markaas wax hub ah sidan. Wuxuuna dilkaasi sanadkii hore ka dhaliyey dalka Maraykanka banaanbaxyo badan oo rabshada wata.

Xalay illaa saaka arooryadii hore ayey banaanbaxyo ka socdeen magaalada Ferguson waxaana la sheegay in saacado kahor magaaladaasi laga maqlay rasaas ka dhaceysa goobaha ay dadka isugu soo baxeen.

Booliiska Ferguson ayaa xaqiijiyey inay rasaas adeegsadeen kadib markii xabado lagu soo tuuray qaar kamid ah Askartooda amniga sugeysay. Illaa iyo hada waxa la sheegayaa in hal qof uu rasaastaasi ku dhaawacmay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...