Somaliland: Wasiir Warancadde Oo Amar Aroorta Dhaqan Galaya Ku Soo Rogay Gaadiidka Turuska Leh

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo jeediyay amaro uu u arko in lagu yarayn karo shilalka ka dhaca jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera. Wasiirka ayaa amray in dhammaan gaadiidka leh Turuska laga jaro bari laga bilaabo.

Wasiir Warancadde, oo ka qayb galay aas Hargeysa loogu sameeyay Saddex Marxuum oo shalay ku naf waayay Shil baabuur, waxa uu dhaliilay ciidanka Waddoonyinka iyo darawaliinta gaadiidka, waxaanu amaanay jid oo inta badan loo aaneeyo shilalka dhac.

42

Wasiir Warancadde, ayaa rumaysan inaanay waddadu saamayn ku lahayn shilalka ku batay  “ Runtii waddadaasu waa nimco ka mid ah nimcooyinka Alle ina siiyay waayo waa waddo si wanaagsan loo sameeyay , hase yeeshe waxaad moodda shilalkeedu in ay aad u badanyihiin immika , waxaana muuqata dadka waddada isticmaala gaar ahaan kuwa Booyadaha watta iyo kuwa watta Iskaragooyinku in ay yihiin dad qayrul masuula ,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiir Warancadde, ayaa sidoo kale naqdiyay Birta Turuska ah ee gaadiidku difaaca ka dhigtaan “ Arrintaas aan canaanteeda dusha ka saarayo ciidamada waddooyinka oo aan u arko iyaga laftoodu in ay aad u tamar daranyihiin , waxaanse jecelahay in aan halkan ka soo jeediyo , baabuurtaasu gardarrada iyo foolxumooyinka ay sameeyaan waxaa ka sii daran , xagga horena waxay ku xidheen bir wayn oo sidii cagaf cagaftii ay wax ku jiidhaan xagga danbena mid aan looga soo dhawaanin”

[quote]Wasiirka ayaa dadka gaadiidka leh iyo Ciidanka waddoonyinka faray in Biraha Turuska ah laga furo Gaadiidka  “ marka maanta waxaan halkan ka farayaa ciidamada waddooyinka si deg deg ah wixii barri laga bilaabo in ay labada dhinacba ka jaraan ee turusyada labada turusba oo aanu gaadhi turusyo leh aanu marin wadooyinka dalka , amarkaa waxaan siinaya ciidamada nabadgalayda wadooyinka , barrina insha allaah waa la bilaabaya , inta aan police-ku xarayna in uu nin waliba geerash geeyo oo uu labadaba ka jaro ayaanu ammar ku bixinaynaa ninkii lagu arko ee shaqeenayaa wixii barri ka bilawda baabuurka waa laga dhigi doonaa waxaana la saari doona ganaax wayn …” Ayuu Yidhi Wasiir Warancade.[/quote]

Amarka wasiirka daakhiliga ayaa imanaya maalin uun ka dib markii gaadhi Booyad ahi jiidhay Gaadhi ay ku geeriyoodeen Suxufi ka tirsan telefishanka HCTV, Agaasimaha qorshaynta ee wasaaradda Maaliyadda iyo Askari ilaalo u ahaa wasiirka Maaliyadda, waxaana la sheegay in booyadu turuska ku qaaday gaadhigaasi.

Lama oga in Turuska baabuurtu u samaysatay inay iskaga difaacaan shilalku uu sabab u yahay shilalka gaadiidka ee keena dhimashada iyo dhaawaca tirada badan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...