Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Mid Mid u Dul Istaagay Bukaanka Cisbitaalka Burco

Date:

Madaxweyne Siilaanyo Oo Booqday Cisbitaalka Guud Ee Burco,Deeq Xoolo Ahna Gaadhsiiyay.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo socdaal shaqo ku maraya gobollada barriga dalka, ayaa galabta booqasho ku tegay Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, waxaanu intii uu ku sugnaa cisbitaalka uu qof qof u dul tegay bukaank kala duwan ee xaaladaha caafimaad ugu jira Dhakhtarka waxaanu bukaanka ALLE uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Cisbitaalka Guud ee Burco waxaa kale oo uu warbixino ka dhegaystay Maamulka cisbitaalka guud oo Madaxweynaha uga warramay adeegyada ay bulshada hayaan.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ee xanuunsanaya isla markaana cisbitaallada ku jira.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu deeqay cisbitaalkaas xoolo nool oo uu ugu tallo-galay in loo qalo bukaanka waadhadhka uu ku siyaartay.

Maamulka Cisbitaalka Burco iyo bukaanka cisbitaalkaasi ayaa madaxweynaha uga mahad celiyay booqashadiisa waxaanay tilmaameen inuu yahay masuul jecel inuu dadkiisa la wadaago xaaladooda.
Madaxweynaha

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxaa kale oo ay kormeer ku soo mareen isla shalay galinkii dambe qaar ka mid ah waddooyin magaalada Burco laga sameeyay oo cusub.

Intii ay kormeerka ku gudo jiray Madaxweynuhu waxa jidadka magaalada Burco si diiran ugu soo dhawaynayay oo caleemo qoyan,calanka Somaliland iyo sawirka Madaxweynaha la taagnaa dadweynaha magaalada Burco oo ku faraxsanaa Madaxweynuhu uu waddooyinka Burco socod ku maray, isagoo indho-indhaynayay waxqabadka dawladda Hoose iyo ta dhexeba ka fuliyeen magaalo madaxda labaad ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa lagu wadaa inuu u kicitimo gobolka Sanaag, halkaasi oo uu ka soo furi doono qeyb ka mid ah jidka Ceerigaabo oo xukuumadda iyo shacbiga oo is garabsanayaa ay wada jir uga dhabeeyeen qeybihii u horeeyay uguna muhiimsanaa.

Geesta kalena madaxweynuhu waxa uu Isniintii Booqasho taariikhi ah ku tagay Magaaladda Laascaanood, halkaasi oo uu ka furmay mashaariic laga hirgeliyay oo horumarineed, kuwo kalena dhagax dhigay. Madaxweynuhu mudadii uu joogay Laascaanood waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay maamulka gobolka, ka degmadda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu booqday fadhiisimadda ciidammada qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...