Somalia: Cali Khaliif Oo Qiray Inaan Reer Koonfurku Waxba u Ogolayn Dadka Somaliland U Dhashay

Date:

Cali Khaliif Galaydh, oo hogaamiya kooxda Khaatumo ayaa khudbad calaacala oo uu ka jeediyay madal lagu caleemo saarayay madaxweynaha maamulka Galmudug ee Somalia, waxa uu ku sheegay inaanay Somalia waxba u ogolayn dadka Somaliland ka soo jeeda ee mabda’a Soomaaliweyn haysta.
Waxa uu sheegay in eeda Somalia u jeediso Somaliland ee ah inay Soomaaliya kala goynayso , ay ka daran yihiin reer Koonfurka oo raba kala dirista Soomaalida, islamarkaana waxa uu sheegay inuu aad uga yaaban yahay arrimaha Somalia. Cali Khaliif wuxuu ku calaacalay inay jiraan dad badan oo reer Somaliland ah oo ogolaan lahaa Midnimo balse Somalia niyad jabinayso.

“Waagii dagaalkii 2-aad ee aduunku dhammaaday ayaa niman Soomaali ah oo Cadan ku noolaan jiray Burco yimaadeen, dabeed iyagoo meel maraya ayuu nin bahal heesaha laga dhegaysan jiray saaray hees Hindi ah, dabeed nimankii oo heesta Cadani ugu dambeysay ayaa yidhi “Waar ma Cadan baa laga heesayaa mise anagaa waalan”, mida aan arrintaas uga socdaa waa mid aad iyo aad iyo aad noo taabanaysa haddaanu nahay reer Khaatumo, haddaanu nahay inta reer waqooyiga ah ee midnimada Soomaalida rabta. Su’aAsha meesha taal waxa weeye maxaa loogu talo galay dadka soomaalida ah ee ku nool waqooyiga ee midnimada Somalia rabta”?.
“Aniga waa la igu yaqaan waanan eedaye warkayga waan caddaystaa!, waxaa muuqata in kala go’a Somalia inuu koonfur ka socdo.kala go’a Somalia meesha lagu eedaynayo Somaliland, waxaaba la shaqaynaya koonfur Soomaaliyeed. Koonfur baan qirayn dadka Soomaalida ah ee waqooyiga ee u dhimanaya midnimada Somalia.haddii sida muuqata dadkaas ooda laga soo rogto eeda yaa leh?, taariikhda ayaa sheegi doonta” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Cali Khaliif, ayaa ku calaacalay in Reer koonfurku ka shaqaynayaan kala qoqobida Somalia, gaar ahaana gobolada dhexe iyo Hiiraan oo maamulo loo samaynayo balse dad ku hawlan midnimada Somalia aanay waxba u ogolayn.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...