Somaliland: Xukuumadda Oo Caawimooyin Gaadhsiisay Qoysaskii Ay Waxyeeleen Roobkii Dabaylaha Watay Ee ka Da’ay Xeebah

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa gurmad deg-dega ah oo iskugu jiray raashin, busteyaal iyo bacaha guryaha u dirtay degmadda Bulaxaar oo ay saamaysay roobkii dabaylaha watay.

“Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyadoo fulinaysa amarkii madaxweynaha Somaliland ku bixiyay in gargaar deg-dega la gaadhsiiyo qoysaskii roobabku waxyeeleen. Waxay Wasiirka Maaliyaddu 100 qoys oo ka mid ah dadka roobabkaasi waxyeeleeyeen ay u soo dirtay raashin, bacihii guryaha iyo busteyaal, waxaanan maanta (shalay) aanu ku wareejinay maamulka gobolka Saaxil,”Ayuu yidhi isu-duwaha maaliyadda ee gobolka Saaxil.

Maayarka magaaladda Berbera C/shakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan la gaadhsiin doono deegaamada loogu tallo-galay waxaanu yidhi

“Waxa aan rejaynayaa in deeqdan la gaadhsiin doono degmadda Bulo-xaar oo dhibaato ka dhacday ee waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii da’ayay.” Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadnaqay xukuumadda gurmadka deg-dega ah ee ay kaga falcelisay roobabkii waxyeeladda geystay.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha degmada Bulaxaar ee gobolka Saaxil Ismaaciil Xasan Maxamed, ayaa sheegay in 400 oo qoys ay ku barokaceen ka dib markii ay saamayeen dabaylo qoyan oo ka kacay xeebaha dalka.

Guddoomiyaha degmada Bulaxaar oo wrbaahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in dadkaa barokacay ay u baahanyihiin in gargaar dagdaga lala gaadho waxaanu xusay in dadkan baro-kacay ay yihiin dad xoolo dhaqota ah.
“Badda ayaa kacday oo qabawgii ka dhacay xeebta Yeman ayaana na soo gaadhay, sababtaas ayay baddu u kacday ilaa 8 mitir ayay baddu kacday illaa labo saddex kiiloo mitir ayay baddu dhulka soo gashay Dadkii xeebaha deganaa ayaa xoolahoodii adhigii iyo geelii ayaa ka baxay, dadkaas dhibaato badan ayaa gaadhay oo way qaawan yihiin waxaana la rabaa in lala gaadho bustayaal wax ay cunaan waana 400 oo qof,”ayuu yidhi Guddoomiyaha degmadda Bulaxaar

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...