Somalia: “Haddii Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia Hagaago Waxaa Hawada Laga Maamuli Doonaa Hargeysa iyo Xamar,” Wasiir Jangali

Date:

Cali Axmed Jaamac Jangali, wasiirka duulista hawada Somalia, ayaa sheegay in haddii wada hadalka Somalia iyo Somaliland noqdo mid midho dhala Hawada Somaliland iyo Somalia laga maamuli doono Muqdisho iyo Hargeysa.

Mr Jangali oo VOA-da u waramay waxa uu sheegay in Xukumadda Muqdisho waddo qorshe xarunta maamulka hawada loogu soo wareejinayo Somalia, taas oo hadda laga maamulo Nairobi. Waxa uu sheegay in soo wareejinta ay ka hadhay oo kaliya samaynta shuruuc lagu maamulo, qalabkii hagayay iyo shaqaale u carbisan oo la sameeyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay qorshaynayaan sidii Xukumadda Muqdisho gacanta ugu dhigi lahayd maamulka Hawada oo ay ku jirto ta Somaliland iyo waliba Madaarada oo uu sheegay in hadda qaarkood Maamulo maamulaan qaarna iska xidhan yihiin.

Mr Jangali oo sheegay inaan lahayn qalab lagu maamulo hawaddu waxa uu tilmaamay waxyaabaha u hadhay soo wareejinta waxaanu yidhi “Hadda uun baa qalab la keenayaa. Qalabkan hadda la keenayaa waa qalab aad casri u ah, oo Talyaaniga laga dalbay. Laba aag xakameeye(Area controller) ayaa la samaynayaa oo midna waa Xamar midna waa meel waqooyiga ah, Waxaan jecelahay wada hadalada Somaliland hadday hagaagaan inuu noqdo, Hargeysa. Labadaas xarumood oo aad loo qalabeeyo oo dadkeedii la diyaariyo oo Duulimaadka dib loo dhiso oo la soo gaadhsiiyo wakhtigan casriga ah”.

Mr Jangali, oo ka hadlaya qalabka wakhtigan lagu shaqeeyo waxa uu yidhi “Qalabka haddu wuxuun buu soo dejiyaa diyaaraddaha Muqdisho laakiin, waxaa la doonayaa in dhammaan diyaaraddaha Somalia oo dhan la hago oo xataa kuwa bad weyntu ku jiraan, sidii Somalia hore ugu maamuli jirtay”.

Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa dhawaan qaadacday Shir farsamo oo Nairobi ku dhexmarayay Wasaaradda Duulista hawada Somalia, Wasaaradda duulista hawada Somaliland iyo hay’adda gacanta ku haysa maamulka hawada ee ICAO kadib markii shirka lagu soo bandhigay sharci hawada Muqdiho loogu wareejinayo oo Xukumadda Muqdisho iyo ICAO wadaan. Sharciga ayaa baal marsan heshiiskii Somaliland iyo Somalia ee ahaa in guddi wada jir ahi Hargeysa ku maamusho Hawada Somalia iyo Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...