Somaliland: “21-Ka Hay’addood Ee Dawladda Halkan Ka Jooga 15 Ka Mid Ahi Waa Fadhiid, Waxba Idiin Qarin Maayo” Badhasaab Ramaax

Date:

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), ayaa sheegay in xafiisyada wasaaradaha dawladda ee gobolka Awdal yihiin kuwo fadhiid ah. Waxa uu sheegay in Maxkamadda, Dhakhtarka iyo meelo badan oo kale yihiin kuwo aan shaqayn, sidaas darteedna uu madaxweynaha gaadhsiinayo haddii wasiiradu wax ka qaban waayaan.

“21-ka hay’addood ee dawladda halkan ka jooga 15 ka mid ahi waa fadhiid, waxba idiin qarin maayo waanay maqlayaan isuduwayaashaydii. Dhakhtarkii baa fadhiya, Maxakamadii baa xun, beerihii baa xun, xannaanadii xoolaha ayaa xun, waxaa fadhiya hawlo badan oo gobolka laga qaban lahaa” ayuu yidhi Mr Ramaax.

Waxa uu sheegay inuu kormeeri doono xarumaha dawladda “Wasaarad iyo wasaarad baan u galayaa oo igu Wallaahi ah, waxaan ballan qaadayaa in haddii wasiirku bedeli waayo inaan Saxaafadda kaga hadlayo, inaan madaxweynaha  kala hadlayo oo aan gaadhsiinayo. Marka dhakhtarkii Boorama xidhan yahay ee Masuuliyiinteedii oo dhammi joogaan ee wasaaraddii caafimaadku joogto..

Waar shaqada iyo xilka uu dadka u hayo qofku haddaanu u gudanayn siday tahay ha u baneeyo qof u qabanayaa ha u yimaadee. Wasiir kastow maqal, masuulkasta oo Hargeysa jooga Oow maqal, midkasta oo qabiil ku shaqaynayow maqal, waa inuu gobolkani ka baxaa meelaha fadhiidka ah oo qof walba oo masuul ahi shaqadiisii gutaa, haddaanu gudanayn ha soo codsado ruqsad cid soo buuxisa ayaanu keeniye” ayuu yidhi Mr Ramaax.

Hadalkan Badhasaabka ayaa la filayaa hadduu hir galo inuu wax ka bedelo dhibaato ka jirta dhinaca maamul daadejinta, islamarkaana bulshada Awdal hesho adeegyada hay’addaha dawladdu hadda gabeen ee ay bulshada u qaban lahaayeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...