Somaliland: Mustafe Shiine Oo Sheegay In Mucaaridnimadii Laga Sifeeyay Gobolka Gabiley

Date:

Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa sheegay in xisbiyadda mucaaridka ahi aanay wax awood ah ku lahayn gobolka Gabiley, isla markaana dhammaanba bulshadda ku nool gobolkaasi ay dhabarka u soo jeediyeen axsaabta mucaaridka ah.

Mustafe Shiine waxa uu xusay in mucaaridnimadii hore uga jirtay magaaladda Gabiley in ay hadda burburtay, isla markaana shaqsiyaadkii dhaliili jiray xukuumadda talladda haysa in ay iska xishoodeen kadib markii ay arkeen wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh eek a hirgalay gobolka Gabiley.

Badhasaabka gobolka Gabiley, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad shalay lagu qabtay xarunta Agoomaha ee magaaladda Gabiley, oo ay marwada koowaad ee qaranka Somaliland Aamina Sheekh Maxamed Jirde deeq ku guddoonsiinaysay carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee magaaladda Gabiley.

Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo ka hadlayay heerka ay wakhtigan marayso xaaladda mucaaridka ee gobolka Gabiley waxa uu yidhi “Wuu ka soo xidhmay, waanu ka soo af-jarmay, dadkii mucaaridka ahaan jiray, ee qaylin jiray. maanta gobol ay joogaan oo mucaaridku ku badan yahay mucaaridadu ma aha gobolka Gabley. Balse waa gobol mucaaradkiisu aad u yar yahay, in kastoo ay tahay in qaranku yeesho mucaarid. Hadana maanta horumarka gobolka Gabiley ka socdaa wuxuu keenay in dadkii hadli jiray ay ka aamusaan, oo ay ka xishoodaan in ay sheegaan wax dhaliil ah.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...