Somaliland: Taliye Fadal Oo Tabobar u Soo Xidhay Xubno ka Tirsan Ciidanka Booliska

Date:

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay gacan adag ku qaban doonaan dhallinyarrada rabshadaha ka sameeya magaaladda Hargeysa xilliyada habeenkii oo muddooyinka dambe dib uu soo noqday.

Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal ayaa sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay tababar uu soo xidhay qaar kamid ah ciidamada booliska, waxaana uu tilmaamay in sharciga lala tiigsan doono dhallinyarrada rabshad wadayaasha ah.
“Kooxaha dhallinyarrada ah ee rabshad wadeyaasha ah oo bari dhawayto ciidamada boolisku tallaabo adag ka qaaday oo ayaamo dhawayd qaarkood soo noqdeen waxa halkan uga digayaa in gacan bir ah lagu qaban doono sharcigana lala tiigsan doono,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu isla shalay tababar u soo xidhay qaar ka mida ciidamada booliska oo muddo lagu carbinayay xerada ciidamada birmadka ee magaallada Hargeysa. “Waa dufcadii saddexaad ee tababarro qaata marka laga reebo dufcad iyagu ka tirsan ciidanka asluubta oo halkan iyagana tababar ku qaatay maaha qorshe ku koobanaanaya ciidamada booliska ee caasimadda Hargeysa waxa noo qorshaysan in dhammaan ciidamada booliska tababaro u furmo,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Boolisku waxa uu u soo jeediyay ciidamadan dhamaystay tababarka in xidhiidh la yeeshaan bulshada Somaliland waxaanu yidhi “Bulshadda reer Somaliland ee sida fiican inoola shaqaysa waa in aad la yeelataan xidhiidh dhow oo wada shaqayneed, waayo adigoo waajibkaaga qaranimo qabsanaya waxa loo baahan yahay in qofka muwaadinka ah haddii uu yahay ka dambiga galay in aanu kaa dareemin riix-riix.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...