Somaliland: Xuska Munaasibadda 26 June,1960-kii oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Xuska 26-June 1960 kii oo ku beegan maanta oo jimce ah ayaa si weyn looga xusay guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana waxa xaflada xornimadii qaranka Somaliland ka helay ingiriiska 26-June-1960kii lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweynuhu goobjoog ka ahaa.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.

Sidoo kale waxa xafladan ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cbadi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali, Marwada Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.

11665595_792388754208313_3071588472643113260_n 11535863_792389234208265_3611298360184333010_n 11425228_792388854208303_8111415872386861744_n 11252589_792389684208220_2023369293552162985_n 11020252_792389370874918_6286333496892023202_n 10464415_792389740874881_1849720231329699435_n 1525209_792388837541638_1514456882665045729_n 11665717_792389547541567_2687822456223997756_n

Comments

comments