Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamed Siilaanyo oo uu wehelinayo Madaxweyne-Xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta si diirran u qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Kiiniya Ambassador Geert Aagaard Andersen.
Safiirkan wuxu sidoo kale dalka Denmark u qaabilsan yahay arrimaha Somaliland iyo Somaliya.
Denmark waxa ay ka mid tahay waddamada sida weyn u caawiya Somaliland waxayna sidoo kale ka mid tahay waddamada aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo “SDF”.