Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Lagu Najaxay Socdaalkii Uu Ku Tagay Imaaraadka Carabta

Date:

[quote]“Waxaanu Kala Hadalnay Oo ay Wax Innagala Qabanayaan Mashaariic Badan oo la Xidhiidha Biyaha, Laydhka, Iskuullada, Cusbitaallo iyo Sidii Wax Loo Tari Lahaa Qaxoontiga Yemen”[/quote]

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay, ayaa shalay dalka ku soo laabtay ka dib safar qaatay muddo siddeed maalmood ah oo ay ku tageen dalka Imaaraadka carabta, waxaanay sheegeen inay kulamo la qaateen masuuliyiinta dalkaas oo ay ka wada hadleen sidii Imaaraadku mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka uga hirgelin lahaayeen dalka. Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayay waa madaarka Cigaal ee caasimada Hargeysa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay guulaha ay ka soo gaadheen safarka ay kaga soo laabteen dalka Imaaraadka, waxaanu sheegay inay ka wadahadleen sii xoojinta cilaaqaadka labada dal.
“Aniga iyo weftiga ila socdayba farxad weyn bay noo tahay in aanu dalkii hooyo ku soo laabano, annaga oo nabad qabna iyo dalkii oo nabad qaba, waanan idiinka mahad-celinayaa sidaad noo soo dhaweyseen, dalka waxaanu ka maqnayn muddo 8 maalmood ah, waxaanu tagnay Imaaraadka carabta, halkaas oo aanu kula kulanay masuuliyiintii wadanakaa ka madaxda ahayd, kana wada hadalnay danaha labada dal iyo wixii wax wada qabsi ah ee innaga dhexeeyay,”Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in masuuliyiin ka socda dawladda Imaaraadku ay Somaliland u iman doonaan dhawaan sidii ay u fulin lahaayeen mashaariicda ay ka wada hadleen labada dawladood, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa jirtay mashaariic iyo hawlo badan oo innaga dhexeeyay ay balan qaadeen, waxyaabahaana waanu ka soo wada hadalnay, INSHA ALLAAH, waxaan rajaynayaa in dadkii ku shaqo lahaa ama xilalkeeda hayay iman doonaan Hargeysa oo hawlahaa sidii loo fulin lahaa ay ka shaqayn doonaan sidii hawlahaas loo kicin lahaa ay ka shaqayn doonaan. Sheekh Mansour bin Zayed oo ah Wasiirka madaxtooyada dawlada aynu jaarka nahay ee Imaaraadka ayaanu la kulanay, waxaanu ka wada hadalnay cilaaqaadka innaga dhexeeya iyo iskaashiga labadeenna dal iyo wixii mashaariic ah ee la innoo fulinayay, INSHA ALLAH waxaanu rajaynaynaa inay taasi noqoto mid weyn oo dalkeenna iyo dadkeenna wax tar u ah oo si fiicana aanu u aragno in aanu ku soo guulaysanay safarkaas, waxaanan rajaynaynaa inuu noqdo mid wax tar leh isla markaana qiimo leh.”

Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna sheegay in kulamo la qaateen masuuliyiinta dawladda Imaaraadka, waxaanu tilmaamay inay ka wada hadleen sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen taakulaynta qoxoontiga ka soo cararaya dagaalada Yemen, waxaanu yidhi “Waxaanu la kulanay Sheekh Maxamed bin Zayed iyo Sheekh Mansour iyo madaxda Abu-Dabay DP world, safarkaasi waxaanu u arragnaa inuu ahaa mid guul weyn dhaliyay oo sidaa Madaxweynuhu sheegay waxaanu ka wada hadalnay arrimo badan oo dhaqaalaha ah, horumarinta, nabaddgelyada iyo labada dal ee walaalaha ahi siday wakhtigan uga wada shaqayn lahaayeen horumarka dalka iyo mashaarcii hore oo ay noogu balan qaadeen markii hore oo aanu daba soconay iyo kuwo cusub oo balaadhan ayaanu kala soo hadalnay, waxaanu qabnaa inay mashaariicdaasi yihiin kuwo dalka horumarinaya oo ku saabsan Biyaha, Laydhka, Iskuulada, Cusbitaalo iyo hawlo badan oo la xidhiidha nabadda qaxoontiga badan ee Yemen ka yimid ee innagu soo qulqulaya sidii wax loo tari lahaa.”

“Madaxdaa Imaaraadka ee aannu la kulanay si weyn oo qiimo badan ayay inoo soo dhaweeyeen, balana waxay noogu qaadeen in labada dal wax wada qabsi balaadhan inay yeelan doonaan, waanad la socotaan weftiyadii hawlahaa gelayay ama ha ahaato Laydhka wey naga soo horeeyeen markaa waxaanu aaminsanahay in safarkaasi mid khayr qaba ahaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay inay la kulmeen masuuliyiinta shirkada DP world oo danaynaysa inay maalgashadaan Dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu tagnay Abu-Dabay oo aanu kula kulanay qolooyinka DP world Sheekh Suldaan iyo masuuliyiintiisa oo aad u xiisaynaya Dekeda Berbera, waad la socotaan Dekeda Berbera xiiso faro badan oo balaadhan baa jira oo DP worl leh iyo shirkado badan, markaa dad badan oo kala duwan baa aad u xiisaynaya waanad la socotaan in aanu la kulanay, Waxaanu qabnaa safarkaasi inuu ahaa mid muhiimad gaar ah leh, aad baana idiinku mahad naqaynaa.”
Weftiga madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda,Arrimaha gudaha, Madaxtooyadda, Warfaafinta, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha iyo marwadda koowaad ee Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...