Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Ku Guul-daraystay Inay Madaxweynihii Hore Ka Helaan Taageero Siyaasadeed

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo midnimada iyo isku duubnida Somaliland, waxaanu ku baaqay in laga heshiiyo khilaafaad kasta oo yimaada.

Daahir Rayaale waxa uu sidan ku sheegay khubad uu ka jeediyay hadhimo sharafeed uu shalay ku maamuusay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu xisbiga WADDANI ku guul-daraystay isku day uu doonayay inuu Madaxweynihii hore taageero xisbigooda curdinka ah, waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadd kasta loo qiro waxyaabihii ay bulshadda u qabatay. Madaxweynihii hore waxa uu sheegay inuu isagu dhex u yahay Somaliland oo dhan, waxaannu yidhi “Horta Anigu waxaan ahay Madaxweynihii hore ee Somaliland, dhex baanan u ahaanayaa Somaliland, waxaana istaagayaa meesha xaqu ku jiro haddii ALLE yidhaahdo oo Madaxweynihii afaraad baa maanta jooga, waxaan qirayaa inay marba marka ka horaysa ay ka adkayd madaxtinimada iyo hoggaaminteedu, Xukuumaddana wakhti fiican bay ku soo hagaageen kuwa kalena wakhti fiican inay ku soo hagaagaan baan rajaynayaa, in la qiro cid kasta iyo qof kastaaba wuxuu soo qabtay waa waajib oo dawladnimadeena, sharafteenna iyo quruxdeenay ku jirtaa oo xitaa kuwo imika jooga iyagana waa in loo qiro waxay ku biiriyeen, waayo waa wax socda dawladnimadu wax istaagaya maaha, Nin wax yar qabta iyo Nin in badan qabtaba, intuba wey imanayaan.”

Madweynihii hore waxa uu ku baaqay in xal laga gaadho khilaaf kasta oo ka dhex dhasha Somaliland, waxaannu yidhi “Waxaa, innoo balan ah in wax kasta oo khilaafaad ah ka heshiino oo midnimadeenna iyo wada jirkeennu noqdaan waxa ugu weyn ee aynu ka shaqayno, siday Ummaddani u wada joogi lahayd oo u wada jiri lahayd oo mar u wada tallaabsan lahayd baa innoo taalla, taasna INSHA ALLAAH mar kastaba wixii aan ka geysan karo oo gacan baan ka geysanayaa oo mus dambeedka Dalka waan ku jiraa, mus dambeedkaas baanan ahaanaynaa.”

Md. Daahir Rayaale waxa uu intaas ku daray “Xukuumaddana waanu u sheegaynaa wixii xaq ah oo waar ka leexda baanu leenahay waxaasi inama wadayaane idinkana (Xisbiyadda) waxaan idin odhanayaa waxaas ka leexda. dariiqa saxda ahi waxa weeyaan ka aan ku gaadhayno ujeedadeenna. Aad baana idiinku mahad naqayaa, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin martiqaadka aad samayseen.”

Comments

comments