Somalia: Puntland oo canbaareysey Mooshinkii ka dhanka ahaa Baarlamaanka Jubaland

Date:

War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa si adag loogu canbaareeyey Mooshinkii maalintii shalay ay meel mariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kaas oo looga soo horjeedey jiritaanka Baarlamaanka Jubaland.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in Mooshinkaas uu yahay mid khilaafsan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya iyo hanaanka federaalka hiigsiga 2016.” sidaas waxaa lagu yiri warka ka soo bxay Puntland.

Advertisement

Puntland ayaa ku eedeysey Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya in uu ka dhintey dareenkii wadaninimo iyo Soomaalinimo, waxaana ay nidaamkii muddada 25 sano ah ee la soo dhisaayey ay dib dalka ugu celiyeen fawdo iyo kala yaac siyaasadeed.

Puntland ayaa mar kale ku eedeysey in Baarlamaanka Federaalku jebiyey dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 50-aad oo ku salaysan tiirarka Federaalka ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegtey in ay taageersan tahay go’aankii uu qaatey Baarlamaanka Jubaland.

Maalinti shaley ayaa Mooshin ka dhan ah Baarlamaanka Jubaland Xildhibaanada federaalku meel mariyeen, waxaana dood ka keeney sharci ahaanshaha Mooshinkaas mamulka Jubaland oo ku tilmaamey in aysan markii horeba kalsooni weydiisan Baarlamaanka Federaalka ah ee ay tahay ciyaartii Shariif Xasan oo weli ka socota Baarlamaanka federaalka ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...