US: Obama oo Saxiixay Sharciga cusub ee Argagixisada

Date:

Madaxweyne Obama waxa uu saxiixay xeer cusub oo Sanetka ay meel mariyeen, si loo xadido dowladda inay aruuriyo akhbaarta telefoonada, taas oo qeyb ka ahayd howlagallada la socodka.

Xeerka xuriyadda ee Mareykanka, ayaan laanta amniga qaranka hadda ay u baahan tahay inay ka hesho warqad fasax ah marka ay telefoon doonayaan inay dhageystaan ama akhbaar ay ka helaan.

Senet-ka Maraykanka ayaa ansixiyey xeer hor istaagaya in xog badan oo telefoon ay uruuriyaan laamaha mukhaabaraadka.

Aqalka wakiillada ayaa hore u meel mariyey talaabadan, taasoo uu hadda sharci ahaan u saxiixi doono madaxweyne Obama.

Marka la fiiriyo sharciga la yiraahdo USA Freedom Act, xogta ay uruuriso hay’adda amniga qaranka ayaa sii socon doonta, hase yeeshee waxaa hor yaalla xannibaadyo.

Hay’addu waxay tahay inay hesho ruqsad ay ku dhex gali karto xogta telefoonnada muwaadiniinta Ameerikaanka.

Sharciga la dagaallanka argagixisada ayaa dhacay Axaddii, ka dib markii qaar ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen in la sii dheereeyo.

Aqalka cad ayaa cambaareeyey oo ku tilmaamay guul darro mas’uuliyad xumo ah tallaabadan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...