FIFA: Sepp Blatter oo iscasilaya

Date:

Madaxda sare ee Xiriirka Kubadda Cagta adduunka ee FIFA ayaa maanta oo Salaasa ah qabtey shir saxaafadda caalamka la isugu yeerey, shirkan oo la filaayey in FIFA ay ka hadli doonaan musuq-maasuqa hareeyey FIFA, iyo halka FIFA u jiheysanayso kadib fadeexadii soo baxay ayaa waxaa ka dhacay arrin la yaab iyo fajac caalamka ku noqotey oo ahayd mid aan la sugeyn.

Sepp Blatter ayaa ka sheekeeyey shaqaooyinkii uu FIFA ka soo dhex qabtey 40-kii sano ee u danbeeyey iyo jacaylka uu u qabo, wuxuu sheegey in laga soo gudbey doorashadii lakiin caqabadihii ay taagan yihiin una baahan yihiin in la wajaho.

Ugu danbeyntii Blatter ayaa sheegey in uu xilka iska casilaayo kaas oo loo doortey maalintii Jimacada (29-05-2015), inkasta oo uu xilkan hayey 17-kii sano ee u danbeeyey. Blatter ayaa sheegey in qofkii bedeli lahaa lagu dooran doono shir kale oo dheraad ah ama deg-deg ah. Shirka lagu dooranayo Madaxweynaha bedalaya Blatter ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo Diseember 2015 – Maarso 2016.

Is-casilaadda Blatter ayaa imaanaysa kadib markii joornaalka afka dheer ee New Yor Times qorey in ninka gacantiisa midig ah Blatter oo lagu magacaabo Jérôme Valcke qudhiisa lagu hayo caddeymo in uu laaluush qaatey taas oo gaareysa 10 milyan oo dollar, lacagtaas oo ka timid Koonufr Afrika si ay u xaqiijistaan Ciyaaraha Adduunka in dhulkooda lagu qabto sanadkii 2010. Jérôme Valcke ayaa ah Xogahayaha FIFA, eedeynta loo jeediyey Xoghayihiisa ayaa la aaminsan yahay in ay lugaha la geleyso Sepp Blatter oo qudhiisa baritaano ku socdaa.

Todobaadkii hore ayaa ciidamada Boliska Swiss-ku xireen 7 kamid ah saraakiisha u saraysa FIFA kuwaas oo lagu eedeeyey Musuq-maasuq waxaana dacweeeyey dalka Maraykanka.

Blatter ayaa dhegaha ka fureystey is-caislaad loo jeediyey markaas iyo in aanu isu sharaxin xilka Madaxweynaha FIFA markii shanaad marka la eego sida Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA u qaybsantey, waxaana la hubey in uu guuleysanayo markii shanaad.

Isku soo duuboo is-casilaadda Sepp Blatter oo ah 79 jir ayaa ahayd mid aanba loo fadhiyin, su’aasha u weyn ee la is weydiinayo ayaa ah maxaa hadda sababey!!?

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...